Xubno Sar-Sare Oo Ka Tirsanaa Xisbiga UDUB Oo U Soo Digo-Rogtay KULMIYE
Hargeysa, Somaliland, June 22, 2010 (Saxafi) – Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa shalay xaflad soo dhowayn ah u qabtay xubno sarsare oo rag iyo dumar-ba iskugu jira oo ka soo digo rogtay xisbiga talada haya ee UDUB.
Masuuliyiin sar sare iyo taageerayaashoodii ayaa shalay usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, kuwaas oo iskugu jiray xubno guddida fulinta UDUB ku jira, garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee degmooyinka 26 june iyo Ibraahim Koodbuur.
Xubnahan ku soo biiray KULMIYE ayaa waxa hogaaminayey xildhibaan Yuusuf Kirix oo ka tirsan golaha Deegaanka ee caasimada Hargeysa, waxaana halkaas ka hadlay madax badan oo iskugu jiray masuuliyiinta sarsare ee kulmiye iyo xubnahan ku soo biiray xisbiga ee ka soo digo rogtay UDUB.
Fu’aad Ibraahim Kooshin oo ka mid ahaan jiray xisbiga UDUB, balse hadda ka mid ah xisbiga KULMIYE oo isagu dhawaan ku soo biiray ayaa soo dhaweeyey xubnahan cusub, waxaanu halkaas ka akhriyey qoraal ay ku qoran yihiin xubnahan ku soo biiray iyo xilalka ay ka hayeen xisbiga UDUB, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa “Aadan Ciise Faarax guddoomiyihii gobolka Hargeysa, horena u ahaan jiray degmada 26 june, ibraahim Jaamac (fudhuule) xubin guddida fulinta ah, wuxuu ahaa musharaxiintii xisbiga UDUB ee golaha wakiilada, Sahra Sacad Qalinle xubinta guddida fulinta ah, Ifraax Cali Jibriil xubin heer gobol ah, faadumo Cumar Hanfi guddoomiyaha garabka haweenka ee Ibraahim Koodbuur, Caasha Maxamuud Qalinle guddoomiye ku xigeenka degmada 26 june, Fadxiya Axmed Barkhadle guddoomiyaha garabka haweenka ee Togwajaale, Hoodo Sheikh Cabdiraxmaan guddoomiyaha laanta daloodho, Kayse Faarax guddoomiyaha garabka dhalinyarada, Maxamed Food xoghaye ku xigeenka degmada Ibraahim koodbuur, dhool Daa’uud Muuse guddoomiye ku xigeenka laanta daloodho, Maxamed Axmed Aadan guddoomiyaha dhalinyarada xarunta dhexe ee xisbiga UDUB, Daahir Xasan lIIbaan guddoomiyaha dhalinyarada ee suuqa gobonimo.
Waxaan halkan maanta kala wareegaynaa dhawr iyo toban Xafiis oo xisbiga UDUB leeyahay oo masuuliyiintii kiraysay iyo cida ay u kiraysaba aan sheegi doono, kuwaas oo si rasmiyaha aanu kala wareegi doono.
Xafiisyadaas dadkii masuulka ka ahaa iyo kuwii kireyeyna waa kuwan:
Nimco Cabdiqaadir Muxumed waxa u kireeyey Khadra Maxamed Mooge oo ah guddomiyaha xaafada Xawaadle, Milgo Ibraahim Cali, gurigeeda waxa kireeyey wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Cirro, waana guddoomiyaha xaafada qudhacyada, Cumar maxamed Cali waa guddoomiyaha istaanka Jabuuti, waxa gurigiisa kireeyey Xasan Xaydh, Ayaan Cabdicasiis xaafadeeda waa Birta, xafiiskeeda waxa Kireeyey isna Xasan Xaydh, Radhiid dalaaf oo isna xaafada boqol iyo kontonka ah isna waxa kireeyey Xasan Xaydh, khaddar Ibraahim waxa xafiiskiisa kireeyey wasiirka arrimaha gudaha, waana guddoomiyaha Laanta ina Higis, Nimco Ibraahim waxa iyaduna xafiiska u kireeey islaanta Faadumo Waxyeelo, Aamino Aadan Xasan xafiiskeeda waxa kireeyey isla Faadumo waxyeelo. Waxaan u malayn doono in 15 xafiis oo ay labada degmo ku laahaayeen dadkan maanta ku soo biiray kulmiye aynu la wareegi doono. ”
Xildhibaan Yuusuf Kirix oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dadka halkan iskugu yimid ay ahaayeen dadkii buuxin jiray Beerta Xoriyada, waxaana la ii sheegay in maanta aanay cid joogin beertii xoriyada oo iyagaa maanta (shalay) u lahaa ololaha doorashada, taasina waxay cadaynaysa in aanay cidi joogin
Waxa isaguna halkaas ka hadlay guddoomiyaha ololaha gobolada galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe, waxaanu cadeeyey inuu aad ugu faraxsan yahay taageerayaashan cusub iyo masuuliyiintan ku soo biiray “ waxaan idinku soo dhawaynayaa qalbi furan, gacmo furan, dadkani waa dadka aad igu dhow dhowaa laakiin aan kala mabda’ahayn, waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay taageerayaashan iyo madaxdoodaba imaatinka ay xisbiga yimaadeen, aad iyo aad ayaan u dareemayey waana idin soo dhawaynaynaa ololahana waad ka qaybqaadan doontaan, maalinta codayntana si fiican ayaad kulmiye ugu codayn doontaan
Waxa la yidhi xiniinyo maaha kuwo kugu jire ee waa kuwo lagugu garab taagan yahay, sida darteed maanta awood ayaan dareemayaa, hiil ayaan dareemayaa marka soo dhawaada walaalayaan, waxaana la maraya gebogabadii waa maalintii la idiin baahnaa ayaad ku soo hagaagteen.
Qolooyinkayagii hore u joogay waxaan u malaynayaa inuu daad na qaatay, daad dhan ayaad tihiin, taageerayaal loo baahnaa ayaad tihiin.
Waxa inoo balana in maalinta codkala dhiibanayo aynu u soo wada baxno oo aynu kulmiye u codayno. ”
Baashe Cabdi Gaboobe waxa kale oo uu dhaliilay xisbiga UCID oo uu ku sheegay inuu ku khalkhalay awooda iyo taageeraasha xisbiga ee maalin walba ku soo biiraya, hore waxa uu khalkhalsanaa xisbiga UDUB, UCIDna maanta way ku darsameen marka walaalayaal khal khalkaa sidaas ugu wacan oo labadoodu way khalkhalsan yihiin waxay ka naxeen bahweynta kulmiye”
Waxa isaguna halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Hargeysa Axmed Xamarji waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana ay dadkani ahaayeen dadka ay is hayeen ee ay degmooyinka kala boobi jireen, marka haddii ay kulmiye ku soo biireen waan nasanayaa, oo wax aan ka warwarayaa ma jiro maalinta codaynta maalinta ku xigtana inagoo guuleysanay, maxaa yeelay buu yidhi dadkii aanu degmooyinka xooga iskugu haysan jirnay kuwan halkan ila jooga weeyaan, waxaanu ku tilmaamay inay yihiin xubno miisaan culus ah, isla markaana aan laga maarmayn.
Layla CIsmaan oo ah guddida garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE oo iyana halkaas ka hadashay ayaa xubnahan ku tilmaamtay xubno muhiim ah oo loo baahan yahay, “waxaan aad ugu faraxsanahay in dadkan intaa leeg ee UDUB hore u ahaa ay maanta garteen masiirkooda oo ay fahmeen in kulmiye yahay ka dalka badbaadinaya.
Walaalayaal waxa la marayaa gebogabadii, waa ayaamihii ugu dambeeyey ee loo dareerayey codaynta marka waxa hadhay hinjiyaa, marka walaal waa inaad kor noola qaadaan oo aad hinjisaan”
Layla Cismaan waxa kale oo ay jawaab kulul ka bixisay masuul sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo xisbiga kulmiye dhaliilay, kuna tilmaamay xisbi bahalo galeen ah oo cidii ka timaadda UDUB ay yimaadaan KULMIYE, waxayna arrintaas ka tidhi “ waxa xalay hadlayey nin wadaad u eekaa, oo yidhi wasiiradii iska casilay xukuumadda ayaa soo galay KULMIYE, haddii aanu soo galin haddaa yuu gali lahaa, miyaanu qof walba xoriyad lahayn, meesha uu doono miyaanu tagi Karin, miyeynu ka maarmayna aqoonta iyo waxgaradka inoo imanaya, cid walba waanu soo dhowaynaynaa cidna kama maarmayno”
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka mid ah xubnahan UDUB ka soo digo rogtay oo ay ka mid ahaayeen, Cumar Boongo, Khadar Ciise Faarax, Sahra Sacad iyo xubno kale kuwaas oo dhamaantood sheegay inay iskaga yimaadeen xisbiga UDUB, iyagoo tilmaamay in xisbiga UDUB aanu gole dhexe iyo mid fulineed lahayn, isla markaana aanay sharci ahayn inuu tartamo oo uu la tartamo xisbiyo sharciyadoodu dhamaystiran tahay.
Dhinaca kale, waxa uu Cali Gobonimo oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga UDUB oo dhawaan ku soo wareegay KULMIYE uu shalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku wareejiyey 14 xafiis oo xisbiga UDUB lahaa, halkaas oo guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Xamarji ugu mahadnaqay cali Gobonimo.
Comments
Post a Comment