Ciidanka Bileyska Boorama Oo Gelelefay Xarunta Komishanka Awdal, Sanaadiiqdii Codbixintana Ku Xayirey Saldhigooda

Boorama, Somaliland, July 01, 2010 (Saxafi) – Ciidanka amniga Boorama ayaa habeen hore saqdii dhexe galay xarunta Komishanka Qaranka ee G/ Awdal wax yar kadib markii sida la sheegay xaruntaasi si kedis ah looga jaray korontadii xaruntuna isu bedeshay meel mugdi ah
Cabbaaro 11:30 oo aan Tegey goobtaasi ayaa ii suurtageli weyday inaan arko waxa meesha ka dhacaya, ka dib markii koox ka tirsan ciidanka Booliska oo taagnaa xarunta Komishanka dabadeeda ay iga horjoogsadeen iina diideen inaan meesha maro. 
Xarunta Komishankaasi oo aan maalinimadii ilaa makhribkii shalay ku ogaa cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo gaadhi qori saaran yahay oo aan isku dayey inaan ogaado inay wali joogaan iyo in kale ayaa ii suurtagali wayday qolada hada ku hadhay goobta.
 Sida ay sheegeen dadkii xalay ka agdhawaa xarunta komishanka ee Boorama, ayaa waxay ka hadlayeen sidii loola dhaqmay hawl-wadeenada Komishanku markii ay tegeen Saldhigga Booliska, kana dalbadeen in gaadiidkaasi la fasaxo hase yeeshee halkaas loogu geystay hanjabaado kadibna ay iskaga yimaaddeen .
Warar aan la beenin karin lana xaqiiin karin ayaa sidoo kale sheegeya in laydhka xarunta la jaray markii ay dhammaatay Tirintii codadka dadweynaha reer Awdal,  halkaasina  lagu soo afjaray tirooyinkii tuulo walba iyo degmo walba xisbiyadu ka kala heleen, kaddibna ay si kedis ah u soo galeen ciidan ka tirsan Booliska kaas oo sida la sheegayey hadallo caga-juglayn ah loogu geystay saraakiishii komishanka qaranka oo uu ka mid ahaa wakiilka heerka qaran ee komishankaasi u qaabilsanaa gobolka Awdal oo la yidhaa Raabbi, kaas oo sida la sheegeyo xalay goor dambe oo ah 4tii aroornimo si halhaleel ah kaga soo baxay Boorama, kaddib markii uu ka quustay inuu taliyaha ciidanka booliska ka dhaadhiciyo in xogtii sanaadiiqdaasi loo gudbiyey komishanka qaranka ee Hargeysa wax qiimo ahna aanay u lahayn saraakiisha dawladda iyo xisbiga UDUB toona . isla markaana goob kasta iyo tuulo kasta oo gobolka ka tirsan lagu soo tiriyey sanduuq kasta codadka ku jira oo ay  saxeexeen goobjoogayaasha axsaabta qaranka ee deegaanadaasi, loona baahnayn inay wax ka saxeexaan saraakiisha xisbiyada ee heer gobol.
 Komishanka gobolka Awdal oo aan wax ka weydiinay arrimahaasina waxay hadalkooda kusoo gaabiyeen “hawshani maaha mid annaga noo taalla ee waa arrin komishanka sare ka hadli karo "
.Sida ay sheegeyaan warar ku dhawdhaw komishanka ,ma jiraan wax sabab ah oo ciidanka amnigu ku qabsan karo gaadiidka sanaadiiqdii codbixinta afarta gobol ee degmooyinku saaran yihiin loo qabsado ilaa imikana loogu xeraystay saldhigga Booliska

Comments