Dr. Maxamed-Rashiid Oo Shaaca Ka Qaaday In Xisbiga UDUB Lagaga Guulaystay Doorashadii 26-Kii June Ka Dhacday Dalka

“Ilaa Imika Inta Aan Ogahay Mucaaradka Ayaa Ku Guulaystay” Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan
Hargeysa, Somaliland, July 1, 2010 (Saxafi) – Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in xisbiyada mucaaradku ku guulaysteen doorashooyinkii madaxtinimadda ee ay dadweynaha reer Somaliland codkooda ka dhiibteen June 26, 2010.
“Marka si guud loo eego doorashadda si wanaagsan ayay inoogu qabsoontay, iskamana ay iman’e waxay ku timid, dedaal aad u fara badan, inkasta oo aan natiijaddii rasmiga ahayd lagu dhawaaqin, haddana waxay u muuqataa in ay axsaabta mucaaradka ahi ku guulaysteen, ama ha noqoto xisbigayaga UCID ama xisbiga kale ee aanu jaarku nahay ee KULMIYE, taasi waa guul u soo hoyotay mucaaradka, xukuumadda iyo UDUB-na waxaan leeyahay  waxa la gudboon inay si wanaagsan oo qurux badan ay u aqbalaan fariinta ay dadweynuhu codaynta ugu direen” Sidaa waxa yidhi, Maxamed-Rashid Sheekh Xasan oo ah musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, oo shalay Hargeysa ugu waramayay wargeyska Saxafi, waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. “Waxa weeye, doorashadani waxay guul weyn u tahay ummadda Somaliland oo dhan guud ahaan, waxaanay ka sugayaan ictiraaf iyo danno dhaqaale oo badan oo ay heli lahaayeen, markaa guu dhaan waa guul u soo wada hoyotay Somaliland oo dhan” .
M/Rashiid waxa uu sheegay inuu aad ugu mahad naqayo taageerayaasha xisbiga UCID ee codkooda siiyeen, isla markaana ay guuli u soo hoyotay xisbiyada mucaaradka ah, gaar ahaan ilaa inta imika la tiriyey.
Sida la ogyahay Maxamed/Rashiid waxa uu ka mid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka soo jeeda gobolka Awdal ee taageeri jiray SNM iyo weliba qaddiyadda madax banaanida Somaliland, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Wax aan markii hore ilaa dugsigaygii sare ilaa intii aan ku jiray Jaamacadda ee London ku hawlanaa xagga siyaasadda, gaar ahaana, mudaharaadadii loo samayn jiray markii uu Nelson Mandela xidhnaa, markii dambena dadweynaha reer Somaliland waa kuwii bilaabay halgankii ay iskaga xoreynayeen kelidii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, markaa haddii ay noqoto mudaharaadadii iyo taageeradii la siinayayba, wixii igu soo beegmay ayaan ka gelayay, aniga oo markaasi ka shaqaynayay BBC-da, halka markii dambe ee Somaliland lagu dhawaaqayna qaramada midoobay aan ka shaqaynayay, aniga oo maalinba wixii aan qaban karo qaban jiray, raga aanu soo wada shaqaynayna waxa ka mid ahaa Axmed SIilaanyo, Ibraahim Maygaag iyo rag kale oo fara badan”.
Marka intaasi laga yimaado, Maxamed-Rashiid waxa kale oo la weydiiyay ilaa hadda waxa uu ka ogyahay codadka la tiriyay cidda guusha leh, waxaanu yidhi. “Ilaa hadda codadka la tiriyay, ee aanu ognahay waxa weeye guusha waxa leh mucaaradka, weliba gaar ahaan xisbiga KULMIYE, markaasi guushaasi waa mid mucaarad ahaan noo soo wada hoyotay dadweynaha reer Somaliland ay xukuumadda maanta jirta ugu sheegeen in waxa ay doonayaan ay tahay isbedel” ayuu yidhi.
Waa musharaxiii ugu horeeyay ee ka hadla tan iyo markii ay dadweynaha reer Somaliland codkooda ka dhiibteen doorashooyinka madaxtinimada 26-kii June, 2010, hase yeeshee Komishanka doorashooyinka qaranka ayaan weli ku dhawaaqin natiijaddii.

Comments