Gorfeynta Wargeyska: UDUB-Eey, Meel Leg Lagu Cunnay Lafo Laguma Ruugo

Doorashadan madaxtooyadda oo qabsoontay 26-kii June 2010, ayaa ahayd mid xor ah oo xalaal ah, sida ay ka marag kaceen goob joogayaashii caalamiga ahaa iyo kuwi maxaliga ahaa ee ka qayb galay. Taasi oo shacbiga Somaliland iyo xisbiyadda siyaasaduba ay ku mutaysteen ammaan, sida nabadgelyada iyo wanaaga leh ee ay u galeen.
Doorashada oo marar badan dib uga dhacday waqtigeedii, ayaa aakhirkii Ilaahay suurto geliyay inay qabsoonto, ka dib markii uu waafajiyay Komishanka doorashooyinka oo ku guulaystay inay qabtaan, waxa keli ah ee la sugayayna natiijadda rasmiga ah ee ay Komishanku ku dhawaaqaan..
Hase yeeshee, xisbiga talada haya ee UDUB ayaa isagu ka hor iyada oo aanay Komishanku dhawaaqin cida ku guulaysatay doorashada waxa ay shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen in lagaga shubtay afar gobol oo ka mid ah lixda gobol doorasho ee dalku u qaybsan yahay, balse ka reebay labada gobol ee ay ka soo kala jeedaan labada musharax ee xisbiga UDUB oo kala ah Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaasi oo loo filayo inuu xisbigaasi ka helo codadka ugu badan.
Xisbiga UDUB wuxuu si badheedh ah meel ugaga dhacay anshaxa, dhaqanka iyo karaamadda ummadda codkooda siisay ee uga eexatay xisbiyadii kale, iyaga oo og fadhiidnimadooda. Xisbiga UDUB, waxa uu sidoo  kale meel kaga dhacay dadweynaha reer Somaliland ee guud ahaan iyaga oo muddo todoba sannadood ah uu ku xukumayay madaxweyne Rayaale, isaga oo aan haysanin kalsoonida inta badan dadweynaha reer Somaliland, isaga oo ka helay 42% codadkii la bixiyay doorashadii 2003, halka ay isu geynta mucaaradkuna ahayd 58% codadkii la bixiyay.
Sidoo kale, xisbiga UDUB wuxuu meel kaga dhacay sumcadii doorashada iyo sidii sharafta lahayd ee ay dadweynaha reer Somaliland, iyaga oo kala qolooyin, kala xisbiyo iyo kala gobolo ay si nabad ah safka isku wada tageen ee mid waliba xisbigii uu doonayay uu codkiisa siisay.
Haddaba xisbiga UDUB, waxa uu shirkiisan jara’aid ku sheegay in doorashadii codadka lagaga shubtay, taasi oo aanay dunida ka dhicin xisbi xaakin marka horeba lagu eedeeyay inuu hantidii ummadda ka dhaxaysay si badheedh ah ugu ololeeyay doorashadii inuu haddana yidhaahdo wax la igaga shubtay cod, maaha mid caqliga geli karta.
Inkasta oo ay xubnaha shirka jaraa’id qabtay ay ahaayeen xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, Gudoomiyaha Ololaha Cismaan C/laahi CIgaal, oo aan ahayn musharaxiintii xisbiga UDUB ka tartamayay, haddana waxa ay dad badani qabaan in ay tahay mid ay dambabasayaan guuldarro ay ka cabsi qabaan in iyaga dusha loo saaro oo soo gaadha xisbiga UDUB, maadaama oo ay ahaayeen raggii la rabay inay dadka cod ka keenaan, balse aanay ahayn mid ay la qabaan musharaxiinta UDUB, isla markaana ay dadka qaarkood sheegeen in madaxweyne Rayaale tuhunsan yahay guul-darro soo gaadhay xisbigiisa, sidaasi darteedna aanu xilligan diyaar u ahayn wax magac dil ku sameeya, isla markaana uu wasiiraddiisa amray in aan warqadna laga qaadin xafiisyadda, gaadiidka dawladdana aan wax dhalan gedi ah lagu samaynin, inta ka horeysa xilliga laga yaabo inuu xilka wareejiyo.
Hase yeeshee waxa aynu ka warsugi doonaa jawaabta uu madaxweynuhu ka bixiyo hadalka meel ka dhac ah ee ay masuuliyiinta UDUB kula kaceen dadweynaha codkooda sida sharafta leh u dhiibtay.
Dadweynaha reer Somaliland waxa ay madaxweyne Rayaale ka sugayaan inuu hal cod haddii lagaga helo uu u hambalyeeyo cidda heshay, maadaama oo aan Somaliland qofna laga yeelin waxa uu doono, oo isagaba SIilaanyo duhur dharaareed 80 cod lagaga dhaqaajiyay doorashadii hore ee madaxtooyadda.
Haddii hadalka masuuliyiinta UDUB loo fiirsado waxa laga dhan-dhansan karaa in xisbiga UDUB ku guul-daraystay doorashadan, isla markaana xisbiyadda mucaaradka midkood ku guulaystay doorashada madaxtanimada ee sannadkan. Marka arrintaasi la eego, dadka qaarkood ayaa iyagu qaba in Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo ah afhayeenka xisbiga UDUB, uu ku hawlanaa sidii xisbiga UDUB boodhka iskaga tumi lahaa, waxaana la sheegay in Cali Guray sumcad xisbiga in la dhawro u soo jeediyay.
Si kastaba ha ahaatee, shacbiga Somaliland ma maqli karaan cid rabitaanka xulashada dadka ee madaxweynaha shanta sannadood ee soo socda haddii alle yidhaahdo, kuu doonaba ha noqdee ee ay ku dhawaaqaan komishanka doorashooyinku inuu ku guulaystay doorashada. 

Comments