Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka Oo Ugu Baaqay Axsaabta Qaranku Inay Ku Qancaan Natiijada Komishanku Soo Saaro

“Waxaanu Ka Codsanaynaa Guud Ahaan Dadweynaha Reer Somaliland In Ay Si Dulqaad Ku Jiro U Sugaan Natiijooyinka Doorashooyinka Ee Ka Soo Bixi Doona Guddiga Doorashada Qaranka”
Guddida ilaalinta anshaxa iyo habsai u socodka doorashooyinka
Hargeysa, Somaliland, June 01, 2010 (Saxafi) – Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka, ayaa warsaxaafadeed ay shalay u hambalyeeyey shacabka iyo ciidamada amniga sidii wacnayd ee ay hawshii Qaranka u guteen, isla markaana u ixtiraameen qawaaniinta iyo geeddi socodka doorashada.
Guddidan ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay hotel imperial ayaa hadalka ku bilaabay sidan: “Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka madaxwaynaha iyagoo fulinaya hawlihii loo igmaday waxa ay si aad u dhaw ula socdeen ama si qoto dheer ula socdeen banaanbaxyadii ololaha doorashada iyagoo ugu baaqaya dhamaan cida ku xadgudubta  heshiiska anshaxexa ee ay saxeedeen sedexda xisbi qaran (Code of Conduct). Si ay u hirgaliyaan heshiiska isla markana ugu cadeeyeen dadwaynaha guud ahaan cidii ku kacday dhaqdhaqaaq sharci daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay casimada iyo gobalada dalka oo ay la joogeen wakiiladayadu si xilkas ah na  u guteen hawshoodii.
Maanta guddigu waxay qiimaysay xaaladii doorashada kadambaysay waxayna go'amisay qodabadan soo socda.
Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka Qaranka waxay:
•           U hambalyaynaysaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland sidii nabadgalyada iyo kala dambayanta ahayd ee sida xoogana uga qayb qateen doorashada iyagoo iska dhaga mariyay khatartii ay ku hayeen xagjirka ka soo horjeed dimuqradiyada.
•    U mahadnaqaysaa dhamaan cidkastoo si firfircoon uga gacan gaystay in ay guulaysato doorashadu gaar ahaan hawlwadeenadii guddiga doorashooyinka qaranka, golaha guurtida Somaliland,  goobjoogayasha caalamiga ,goobjoogayasha wadaniga ah  iyo guddiga dhexdhexadinta khilafaadka.
•   Sidiirran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culaamuddiinka Somaliland kuwaas oo ku dhiriigalinayey dadwaynaha reer Somaliland in ay codeeyaa oo aan dhag jalaq loo siin hadalada aan saxa ahayn isla markana ku abuuraysa khalkhal iyo doodo aan sax ahayn oo khalkhal galinaya doorashada oo inagaga timid dibada iyadoo culimadu si firfircoon u caawinayay codbixiyayaashii  ay ku adkaatay in ay si habsami ah u raacaan nidaamkii codbixinta maalintii codbixinta.
•  Umahad cilinayaan ciidamada amniga ee sida hawlokarnimada leh u sugay amniga ee ilaalinayay kala dambaynta intii ay socotay doorashadu.
•  Marlabaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddiga doorashooyinka qaranka ee  ku guulaystay habaynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonan karo imikana u soo saaraya natiijadii oo ku salaysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhexdhexadnimo.
• Soo dhawaynaysaa warbixintii ay soo saareen goobjoogayaashii caalimiga iyo kuwa maxaliga ah kuwaasoo qabtay shaqo lagu mahadinayo kadib markii ay caddeeyeen  in ay doorashadu ahayd  mid ku dhacday si xor ah oo xalaal ah.
• Cambaaraynaysaa oo dhaleecaynaysaa cidkastoo wareejinaysa hadalada kutidhi kuteenka ah iyo mala awaalka natiijooyinka doorashada sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada in ay ilaaliso oo raacdo talooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hor dhicin ku dhawaaqidda natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.
• Ka codsanaynaa guud ahaan dadweynaha  reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee ka soo bixi doona guddiga doorashada qaranka. waxan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo  isku dhac iman kara.
• Ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyan taageerayashooda wax kastoo awoododa ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicinkara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartameen.
•   Si qalbi furan u soo dhawaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba  taas oo muujin doonta waddanimadooda”.
Intaas ka dib waxay warbaahintii ka qaybgashay waydiisay su’aalo, waxayna u dhaceen sidan:
S:Warsaxaafadeedkiinan waxaad ku celceliseen in sadexda musharax ee u tartamayey doorashada xisbiyada qaranka ay ku qancaan natiijada ka soo baxda taas oo sadexda musharaxna hore u balan qaadeen inay ku qanci doonaan, hada ma waxa jira warwar cusub oo idinku soo foodsaaray inay jirto cid aan ku qanci doonin oo gaashaanka ku dhufanaysa natiijada soo bixi doonta?
J: Maya, ee waanu ku adkeynaynaa, anag laftigayaga ayey gaar ahaan labada xisbi mucaarid ay noo qireen isla markaana madaxwayne Rayaale oo ah murashaxa UDUB isna warbaahinta oo dhan ayuu uga sheegay, markaa way cadeeyeen laakiin waxaanu doonaynaa kalsoonidii inaanu sii xoojino.
S: Hore waxaad u shaaciseen in Tv-ga qaranka oo kale aad sheegteen in uu ku gafay anshixii doorashada ee saxaafadu saxeexday, maxaa talaabo ah ee ilaa hada laga qaaday, mida kale khaladaadka dhacay ee laga soo sheegay Boorama goobo ka mid ah oo kaadhadh faro badan caruur yar yar loo qaybiiyey maxaad arimahaa iyagana ka soo saarteen?
J:Horta ta hore talaabadaanu qaadney waxa weeyi ninka maareeyaha Tv-ga qaranka ciqaabtiisii waxaanu ka dhigney in shaqada laga eryo oo qof kale oo ku haboon lagu bedelo, waxaananu u gudbinay guddida Komishanka qaranka iyagaana fulinta leh, anaga go’aankayaga iyo ciqaabtayaduna taas ayey ahayd, tan imika danbe way nagu cusubtahay oo dad da’dii codbixinta ka yar ayaa codkii bixiyey arintana dabo gal ayaanu ku samaynaynaa cidii arimahaas u fududaysay, cidii aanu ku helnana wixii ciqaab ah waa laga qaadi doonaa.

Comments