Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxtooyada Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guuleystay Aqlabiyadda Dadkii Codkooda Dhiibtay

Hargeysa, Somaliland, July 2, 2010 (Saxafi) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah xalay ugu dhawaaqay natiijadii doorashada dalka ka dhacday maalintii Sabtida ee 26 June, 2010, taas oo ay ku tartameen murashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka saddexda xisbi ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, waxaanay shaaca ka qaadeen Komishanka Doorashooyinku inuu xisbiga KULMIYE ku guulaystay aqlabiyadda dadkii reer Somaliland ee codkooda dhiibtay.
Komishanka Doorashooyinku wuxuu sidaas kaga dhawaaqay Xaflad si ballaadhan loo soo agaasimay oo xalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-galeen boqolaal ay ka mid ahaayeen Gudoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, Xubnaha Komishanka Doorashooyinka, siyaasiyiin iyo masuuliyiinta ka kala socotay saddexda xisbi, qaar ka mid ah hal-doorka ummadda iyo culimaa’udiinka, Salaadiin, madax-dhaqameedyo iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo halkaas kaga dhawaaqay natiijada ayaa caddeeyay in musharxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ay ku guulaysteen codadka ugu badan oo noqonaya 266,906 cod, halka xisbiga UDUB ka helay 178,881 cod, xisbiga UCID-na 92489. Tirrooyinkaas oo u kala dhigma 49.59%, 33.23% iyo 17.18%.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Ciise Xamari ayaa khudbadiisa ku bilaabay sidan “iyagoo:  ogsoon muhiimmadda doorashada madaxtooyadu ay u leedahay shacbi weynaha reer Somaliland.
Iyagoo: maanka ku haya in dhamaystirka guushu ku dheehan tahay ee geddi socodka dimuqraadiydeed ay waxtar weyn u leedahay qaddiyada madaxbanaanida Somaliland.
iyagoo: aqoonsan in doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka dhaca ay muftaax u yihiin kor u qaadista xoriyad iyo cadaalad taam ah oo kartaabo gasha Somaliland.
Iyagoo: aqoonsan in doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka dhacaa ay muftaax u yihiin kr u qaaditsa xoriyada iyo cadaalad taama h oo ka taabo gasha Somaliland.
Iyagoo: ku xisaabtamaya muhiimada uu leeyahay heshiiskii lixda qodob ee 30 kii September,2009, ee lagu soo afjaray khilaafki siyaasadeed e dalka ka oogna, kaas oo ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran isla markaana ay beesha caalamku markhaati ka ahayd, nuxurka heshiiskaasi xambaarsanaa oo ahayd hawl isdaba socota.
Iyagoo: garawsan qodobada hesiiskaas oo kuwa ugu muhiimsanaa ay ahaayeen in doorashad lagu galo diiwaangelin, in mudada madaxweynaha iyo ku xigeenka la kordhiyo ilaa bil ka dib wakhtiga loo cayimo doorashada in komishankii hore wax laga bedelo iyo in khubaro caalami ahi ay kala hufto xogta ku kaydsan serverka.
Iyagoo ah: guddida heer qaran ee u xilsaaran maamulida iyo garsoorida hawlaha doorashooyinka Qaranka.
Isagoo ogsoon: in doorashadu tahay hawlgalka kala saarida murashaxiinta uu tartamayaa xilalka madaxweynenimo iyo Madaxweyne ku xigeen, iyadoo lagu go’aan qaadanaayo aqbaliyadda codadka muwaadininta codbixiyeyaasha ah.
Markuu arkay: qodobka 22aad faqrada 1aad ee xeerka doorashooyinka xeer lr:20/2001 kaas oo dhigaaya “ in doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynuhu ay ku salaysan tahay habka aqlabiyadda hal dheeriga ah ( majority system).
Markuu arkay: qodobka 83aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka oo qeexaysa ( in Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha lagu dooranaayo qaabka doorashada guud oo toos ah, isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan)
Markuu arkay: qodobka 64aad, faqraddiisa 1aad, xarafka (a) ee xeer Lr, 20/2001,  ee uu hubiyey xisaab ahaan codadka xumaaday ama waxba kama jiraan laga dhigay ee ka yimid xafiisyada doorashooyinka gobolada.
MARKUU ARKAY: baaqyada kala gedisanaa ee bulshaweynta caalamka iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada, kuwaas  oo dhamaan tood ku tilmaamy doorashadii madxtooyada ee ka qabsoontay dalkan jamhuuriyada Somaliland, maalinta guusha badan ee 26 june, 2010, inay ahayd doorasho xor ah oo xalaal ah taas oo waafaqsan heerarka caalamiga ah (international standards).
Markuu arkay: qodobka 64aad, faqradisa (c), ee xeer lr.20/2001, ee uu si walba uu hubiyey kuna qancay in ay hawshu si habsami ah u dhacday.
Markuu helay: natiijooyinkii lixda Gobol, doorasho ee dalka ee ay  u soo gudbiyeen xafiisyada Komishanka doorashooyinka ee heer gobol iyo degmo, isla markaana uu laf iyo ludba dhuuxay xisaab ahaan iyo sharci ahaan natiijada guud ee dalka.
Markuu arkay: Qodobka 83aad, faqradiisa 4aad ee Dastuurka dalkan JSL, kaas oo dhigaaya “ in loo aqoonsanayo in ay doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynuhu ku guulaysteen, labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.
Wuxu ku dhawaaqay isagoo cuskanaaya qodobka 64aad ee xeer Lr.20/2001.
In tartankii doorashada madaxtooyada ee qabsoontay 26, kii june,2010 ay ku guulaysteen murashaxiinta xisbiga kulmiye oo kala ah:
1.        Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siillaanyo) oo ku guuleystay jagada Madaxweyne nimo, iyo
2.        Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Shire (Zaylici) oo ku guuleystay jagada Madaxweyne ku xigeenka.
iyadoo ay murashaxiintu kala heleen: Xisbiga Kulmiye oo helay 266,906 ( oo u dhiganta 49.59%)
xisbiga UDUB oo helay: 178,881 (oo u dhiganta 33.23%)
xisbiga UCID oo helay: 92,459 (oo u dhiganta 17.18%).”
Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, iyo oday X. Cabdi Waraabe, waxayna dhamaantood iska daba mareen sida wacan ee ay u dhacday doorashada Somaliland, iyagoo aad u amaanay guddida doorashooyinka Qaranka oo si hawlkarnimo leh uga soo baxay hawshooda, isla markaana u duceeyey madaxweyneha cusub ee xilka la wareegi doona.
Markii lagu dhawaaqay magaca Axmed Siilaanyo ayay dadweynihii fadhiyay hoolka farxad si weyn ula istaageen, waxaana sidaa lagu soo gebagebeeyay munaasibadii natiijadaa sida weyn loo sugayay lagaga dhawaaqay.
Musharixiinta tartanku dhexmaray ayaan ka muuqan goobta lagaga dhawaaqay . laakiin waxay hore u sheegeen inay ku qanacsan yihiin natiijada soo baxda.
Musharaxa loo doortay madaxweynaha Somaliland ee cusub Axmed Siilaanyo oo wax yar ka dib u waramay warbaahinta dalka iyo kuwa caalamiga ahba ayaa sheegay inay ummaddu guulaysatay oo uu ku hambalyaynayo isla markaana uu kuwii u coddeeyay iyo kuwii aan u coddeynba isagu u yahay madaxweyne, wuxuuna si gaara ugu mahad celiyay madaxweynaha uu ka guulaystay Daahir Rayaale Kaahin iyo Musharaxa UCID Faysal Cali   Waraabe.
Waxyar ka dibna waxa waddooyinka iyo shaaracyada waaweyn ee magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba isugu soo baxay kumaanaan gaadiid iyo dadweyne ah oo xidhay wadooyinka, kuwaas oo shucuur faraxad weyni ka muuqato ku soo dhoweeyay natiijada doorashada madaxtooyada ee komishanku ku dhawaaqay xalay, wadooyinka laamiga ah ee ka yimaada maansoor iyo badhatamaha laamiga magaalada ayay dadkii kasoo baxay huteelka Maansoor ee lagaga dhawaaqay kula kulmeen kumanaan qof oo safaf dhaadheer u taagan iyo kuwo gaadiid ku dabaaldegaya, kuwaas oo ilaa xiliyadii danbe sii socday.
Waxa beryahanba la sugayay in Komishanku ku dhawaaqo natiijadan oo Komishanku dhowr jeer ka digeen in la baahiyo mid aan iyaga afkooda ka soo bixin. Waxana dalka ka bilaabmay dabbaaldeg ay dabaaldegeyaan dadweynihii ka qayb galay doorashada iyada oo kuwii u codeeyay KULMIYE iyo kuwii aan u coddaynba ku faraxsan yihiin qaabka heerka caalami ah ee doorashadu uga dhacday dalka si nabadgelyo ah ammaana ugu soo jeedinaya Komishanka qaranku sida ay u maamuleen doorashada iyo ciidamada oo kaalinta nabadgelyo u xilsaarnaa.
Waxa amaan ballaadhan loo soo jeediyay dadweynaha sida nabadgelyada ah uga qaybqaatay doorashada ee heeganka u ahaa inay nabadda ilaaliyaan kana digtoonaa waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada gude iyo dibedba midkuu ka yimaadaba.

Comments