KULMIYE Oo Sheegay Inay U Hogaansamayaan Go’aanka Komishanku Soo Saaro

Hargeysa, Somaliland, July 01, 2010 (Saxafi) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa balanqaaday inuu aqbali doono go’aanka ka soo baxa Komishanka doorashooyinka qaranka ee ku saabsan natiijada cidda ku guulaysatay doorashadii Madaxtooyada ee 26-kii June dalka ka dhacday.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu shalay soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, waxaanu shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyay sidii nabadgelyada ahayd ee ay uga qayb-qaateen cod-bixintii doorashada Madaxtooyada, isla markaana waxa uu ku baaqay in la sugo inta Komishanka Doorashooyinku ku dhawaaqayo natiijada doorashada.
War-saxaafadeedka Xoghayaha KULMIYE soo saaray ayaa waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
”Mahad Eebe kadib, Xisbiga Kulmiye wuxuu shacbiga Somaliland ku boogaadinayaa sidii nabadgalyada iyo xilkasnimada lahayd ee shacabka Somaliland uga qaybqaateen codeynta doorashada Madaxtooyada ee 26kii Juun ka qabsoontay dalka.
Xisbiga Kulmiye isaga oo ka tarjumaya dareenka nabadgalyo ee shacabku muujiyay, wuxuu ugu baaqayaa in si degan loo sugo inta ay Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqayso natiijada doorashada.
Xisbiga Kulmiye wuxuu  balanqaadayaa inuu u hogaansamayo go’aanka ka soo baxa Guddiga Doorashooyinka Qaranka”.

Comments