Madaxweynaha Talada Sii Haya Oo Raalligelin Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta UDUB

Hargeysa, Somaliland, July 2, 2010 (Saxafi) – Madaxweynaha talada sii haya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Shacabka raalli-gelin ka siiyay War ay baahiyeen Xisbiga uu guddoomiyaha iyo Murashaxa u ahaa ee UDUB.
Daahir Rayaale oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Madaxa Ololaha ee Xisbigaas Cismaan-Hindi uu raalligeli ka bixinayo, isla markaana aanu diyaar u ahayn oo aanu la qabin waxa ay ka hadleen. “Warsaxaafadeedkaas waxaan doonayaa in aan ka raalligeliyo Shacabka, diyaarna uma ihi in aan gacantayda ku dumiyo Dimuqraadiyadda aan ka hirgeliyay dalkan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waanu ku qancaynaa natiijo kasta oo sharci ah oo ka soo baxda Komishanka Doorashada, haddii layga helana si taariikhi ah oo sharaf ah ayaan u wareejinayaa, haddii aan ku guulaystana sidaas ayaan filayaa.”
Madaxweyne Rayaale wuxuu Komishanka Doorashada u jeediyay in ay cabashooyinka xalliyaan, waxaanu sheegay in aanay UDUB ahaan Warsaxaafadeed dambe ka soo bixi doonin inta ka horaysa Natiijada.

Comments