Masuuliyiinta UDUB Ee Gabiley Iyo Degmada Axmed Dhagax Oo Ku Gacan-Saydhay Hadalka Ka Soo Yeedhay Xoghayaha Xisbigaas

Hargeysa, Somaliland, July 1, 2010 (Saxafi) – Guddoomiyaha Degmada Axmed dhagax ee Xisbiga UDUB Iid Axmed Caalin  iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Maxamuud Jaamac Qoofal (dhuxuni) oo uu weheliyo Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga UDUB Mubaarig Shugri Ducaale iyo in kabadan Sodan muraaqib oo ah kuwii u joogay Xisbiga UDUB goobo ka mid ah Degmadda Axmed-dhagax ayaa si kulul u beeniyay in wax musuq iyo isdaba marin ah ay ka dhaceen Goobihii codbixnta ee Degmadda Axmed dhagax ee Caasimadda Hargeysa maalintii 26-ka June ee doorashadu dalka ka dhacday.
Sidoo kale madaxa abaabulka iyo wacyi-gelinta, isla markaana ah guddoomiyaha garabka dhallinyarada gobolka Gabiley ee xisbiga UDUB Aadan Maxamed Xaaji, ayaa beeniyay cabashada iyo ku shubashada ay masuuliyiinta xisbigaasi sheegeen inay ka dhacday gobolka Gabiley maalintii codbixinta ee 26-ka June.
Shir Jaraa’id oo ay Masuuliyiintan degmada Axmed Dhagax xalay ku qabteen Guri ku yaala Degmadda Axmed Dhagax ayaa waxa ay kaga jawaabayeen hadalka shalay ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Gudomiyaha Ololahii Doorashada Madaxtooyada ee Xsbiga UDUB Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), kaas oo sheegayay in musuqmaasuq iyo wax isdabamarin ay ka dhacday goobo ka mid ah Degmooyinka magaaladda Hargeysa oo ay ku jirto Degmada Axmedhagax, hasa yeeshee waxa eedayntaas ka jawaabay, masuuliyiin iyo muraaqibiin ka tirsanaa Xisbiga talada haya ee UDUB, kuawaas oo sheegay in haba yaraatee aanay jirin wax musuq ama isdabamarin ah oo ka dhacay Degmadaasi, taas oo ay sheegeen in doorashada madaxtooyadu ay uga dhacday Degmadaasi si xor iyo xalaal ah.
Gudoomiyaha Garabka dhalinyaradda ee Xisbiga UDUB Mubaarig Shugri Ducaale oo ka mid ahaa kormeerayaashii guud ee xisbiga UDUB u qaabilsanaa hawshaasi ayaa sheegay in aanay jirin wax is daba marin ka dhacday Degmada Axmed, isla markaana waxa uu sheegay inay Doorashadaasi u dhacday si cadaalad ah.
Waxa kale oo uu  bogaadiyey Guddida Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo uu sheegay inay hawl wanaagsan dalka u qabteen, isla markaana ay si cadaalad iyo xilkasnimo ku jirto ay ummadda ugu shaqeeyeen.
 “Magacaygu waa Aadan Maxamed Xaaji Aadan, waxaan ahay madaxa abaabulka iyo wacyi-gelinta ahna gudoomiyaha garabka dhalinyarada UDUB ee Gobolka Gabiley, warkan masuuliyiintayadu shirka jaraa’id ku qabteena, ma aha war sidaa u jira. Cabasho waa ay jirtay, ku saabsan shan sanduuq. Kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, Gabiley A-1, A-3, A-5, komishankuna waa uu noo ogolaaday in dib la noogu furro. Gabiley, markii ay yaaleen, waxaanu isku haynay Gabiley halagu tiriyo, laakiin waxaa lanagu qanciyay Hargeysa idinka ayaa ku tirsanaya. Wakiilladii markii aanu gelinay, ayaa waxaa galabta nagu soo dhacay amar xoghayaha guud leeyahay iskaga soo baxa meesha.” Sidaasna waxa yidhi Aadan Maxamed Xaaji Aadan oo ka mid ahaa saraakiisha Xisbiga UDUB ee la socotay hawsha doorashadda iyo tirinta codadka. Islamarkaana ka jawaabayay dhawaaq ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbigaas oo ay ku dhaleeceeyeen in badan oo ka mid ah doorashadii ka dhacay goboladda dalka.
Aadan waxaa uu ku dooday oo uu beeniyay cabashadda baaxadda leh ee hogaanka Xisbigaasi sheegay, gaar ahaan Gobolka Gabiley. “Waxaan ku war-helay uun shirka ay qabteen, waxaan markaa leeyahay, Cismaan iyo Xoghayaha dalka belaayo ma taalo. Shacbigu si wanaagsan ayay u codeeyeen, ee masiirka ummada yaan lagu ciyaarin. Xisbiga UDUB-na guullo badan ayuu gaadhay, haddii uu guulaysto iyo haddii laga guulaystaba.
Waxaan leeyahay, aad ayaanu uga xumaanay anaga iyo taageerayaasha xisbiguba warka ka soo yeedhay masuuliyiintayadda, dacwaddayada shanta sanduuq waa la ogolaa, in kasta oo ay mar danbe sanaaduuq farabadan oo kale hadana dacweeyeen, Komishan iskaaya hortaagayna ma jiro, ee si caadi ah ayay hawshayadu u socotay. Markaa, waxaan leeyahay, haddii aanu guulaysano iyo haddii mucaaradku guulaystaba waa in la is hanbalyeeyo, laakiin dalkan iyo xisbigaba lexejeclo ayaa naga haysa, ragan (Cismaan iyo Jaamac) dhawaan ayuunbay noo yimaadeen, iyaga ayaana xisbiga naga baa’biyiyay, waananu is ognahay halka ay xisbigii ku tureen, manta ma garan karro waxaa ay tan uga jeedaan. Hore ayay u inqilaabeen xisbigee, malaha waxay doonayaan inay dalkana inqilaab ku sameeyaan. waxaan leeyahay dhibaato aan jirin yaan la abuurin. Ma jiro Gabiley sanduuq ”
 Sarkaalkan oo xalay saxaafadda ugu waramay magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale uu sheegay in masuuliyiinta xisbigiisu ay hortaalo manta taariikh gaar ahaan, Madaxweyne Rayaale, lana doonayo in ay dhalinyarro ahaan kulla talinayaan inuu hanbalyeeyo haddii laga guulaysto, lagana dhursugo Komshanka doorashadda.
Hadaladan kasoo baxaya Xisbiga UDUB masuuliyiintiisa ayaa ah kuwo is burinaya oo muujinaya in aan  xisbigu ku wadda socon go’aanka Xoghayaha guud iyo xoghayaha abaabulka.

Comments