Masuuliyiinta UDUB Oo Ku Kala Caqabad Ay Doonayeen Inay Ku Horjoogsadaan Go’aanka Komishanku Ka Soo Saarayo Natiijada Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa, Somaliland, July 1, 2010 (Saxafi) – Masuuliyiinta xisbiga talada hadda haya ee UDUB ayaa la sheegay inay ku kala jabeen qorshe ay masuuliyiinta qaarkood doonayeen inay ku xajiimeeyaan, isla markaana caqabad kaga dhigaan natiijada doorashada Madaxtooyada ee komishanka doorashooyinka qaranka laga sugayo inuu ku dhawaaqo saacadaha inagu soo aadan.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo guddoomiyaha Ololaha ee xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) oo shalay gelinkii dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashadii dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee toddobaadkan lagaga shubtay afar gobol oo ka mid ah lixda gobol ee dalka, kuwaas oo aanay ku jirin labada gobol ee Saaxil iyo Awdal oo ay ka soo jeedaan labada musharax ee xisbiga UDUB ugu tartamayey doorashada dalka ka qabsoontay toddobaadkan.
Hase yeeshee ka hor shirkaas jaraa’id ayey wararku sheegeen inay masuuliyiinta xisbiga UDUB dood adag ka yeesheen arrintan, taas oo ay wararku intaas ku dareen in xubno ka mid ah masuuliyiinta UDUB oo madashaas dooddu ka dhacday joogay ay ka soo horjeesteen qorshahan la doonayo in lagu carqaladeeyo natiijada doorashada, iyagoo masuuliyiintaasi soo jeediyay inay arrintani ceeb iyo fadeexad ku noqon doonto xisbiga UDUB, sidaas darteedna aan laga hordhicin go’aanka komishanka ee natiijada doorashada.
Kala-qaybsanka masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa waxaa si cad u muujiyay wasiirka Maaliyadda, Cawil Cali Ducaale oo isaguna xalay fiidkii ka hadlay Telefiishanka Xukuumaddu maamusho, kaas oo si ka duwan sida ay masuuliyiinta UDUB ee shirka jaraa’idka qabtay ku daadefeeyeen codbixintii sida xorta iyo xalaasha ah u dhacday, waxaanu shacbiga iyo komishanka doorashooyinkaba ku ammaanay sidii nabadgelyada ahayd ee ay doorashadu dalka uga qabsoontay, isagoo weliba ugu baaqay murashaxiinta saddexda xisbi inay sugaan go’aanka Komishanka Doorashooyinku ka soo saarayaan natiijada doorashada, isla markaana ay murashaxiintu ku qancaan go’aanka Komishanku soo saaro.  
Inkastoo aanay masuuliyiinta UDUB ee hadashay ahayn murashaxiintii xisbiga UDUB ee u tartamaysay madaxtinimada dalka, haddana waxaa la rumaysan yahay inay ku hadlayeen ama raali ka ahaayeen hadalka ka soo yeedhay Xoghayaha UDUB iyo Cismaaan Hindi.
Sidoo kale dhawaaqan ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa loo macnaysan karaa mid ka yimid guul-darro weyn oo ay ka filayaan inay kala kulmeen doorashadii dalka ka dhacday 26-kii June 2010.
War-saxaafadeedka uu soo saaray xisbiga UDUB oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax ayaa wuxuu nuxurkiisu ahaa digniin ay u jeedinayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyagoo ka dalbaday inaanay ku dhawaaqin natiijada hordhaca ah ka hor sida ay sheegeen inta wax laga qabanayo ku shubasho ay sheegeen inay ka dhacday doorashadii toddobaadkan, waxaanu war-saxaafadeedkani u qornaa sidan: 
 “Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga Somaliland.
Waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah  taas oo ka dhacday gobolada  Maroodi jeex, deegamadiisa Gabilay, gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo Buhoodle, Sanaag dagmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar’adag, gobalka Sool degmadiisa Caynabo iyo  goobo ka mida degmooyinka caasimada Hargaysa 26june iyo Axmed dhagax.
Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan  komishanka doorashooyinka qaranka.
Haddaba, Waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay  soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin.”
Kala-qaybsanka iyo hadalka Xoghayaha UDUB, ayaa waxay muujinayaan inuu jiro qorshe ay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbigaasi ku doonayaan inay ku sii dheganaadaan talada dalka haddii lagaga guulaysto doorashadii dalka ka dhacday, iyadoo ay xukuumadda hadda talada haysaa muddo ku dhow saddex sannadood talada dalka ku haysatay sifo aan distoorku jideynin. 

Comments