Qiimaha Khudradda Oo Hoos Uga Dhacday Suuqyada Hargeysa
Hargeysa, Somaliland, July 01, 2010 (Saxafi)- Khudrada kala duwan ee dalka ka soo baxda ayaa doorkan si weyn uga soo go’ay beeraha Somaliland.
Suuqyada lagu iibiyo khudrada, sida tamaandhada, basasha, baradhada iyo xabxabka ayaa si weyn u jabay, taas oo shacabka si weyn usoo dhoweeyey, isla markaana ka faa’iidaystay khudrada jaban.
Khudrada sida weyn loo kala boobayo ee raga inta badan aad ku arkaysaa waa Xabxabka oo maalmihii ugu dambeeyey si balaadhan usoo galay, iyadoo lagu arkayo waddo kasta oo aad marto, taas oo ka weyn lagaasiinayo dhawr kun oo shilin somaliland ah.
“Aad ayuu u jabay, oo xabada weyn ee xaafada oo dhan ku filan ayaa dhawr kun lagaa siinayaa, marka dadku aad ayey u jecel yihiin khudrada, xabxabkuna kow ayuu ka yahay” sidaas waxa yidhi gabadh iibsanaysay Xabxab.
Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa xilliyada duhurka ah ee la rawaxayo waxa uu qof waliba sitaa Xabxab, kaas oo uu u wado gurigiisa, si uu caruurtiisa hadyad uga dhigo “ maalin walba waxaan caruurta u geeyaa Xabad weyn oo Xabxab ah, runtii aadna wuu u jabay, caruurtuna way ku raysay waana sharaab loo baahan yahay” sidaas waxa yidhi Axmed Xuseen oo ka mid ah dadka iibsada khudrada.
Xamdi Jaamac oo ka mid ah dadwaynaha Caasimada Hargeysa “Al Xamdu Li Laahi waa Ilaahay mahadii qiimihii khudradu aad ayuu inoogu jabay hadday tahay tamaandhada, xab xabka …iwm, taasina waa nimco wayn oo Ilaahay inoogu nimceeyay, sidaa daraadeed waxa laynooga baahan yahay inaynu mahad naqeedii la nimaadno, oo Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yidhi “ Haddii aad ii mahad naqdaan waa idiin kordhinayaa nimcooyinka haddii aad iga gaalawdaan cadaabtaydu way daran tahay”, sidaa awgeed shacbiga somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay mahad naqa Ilaahay badiyaan oo Istiqfaarta xoojiyaan, wakhtiyadan dambana waxaan dareemayaa in nimcooyinka uu Ilaahay ina siiyay ay aad u badan yihiin, oo waad ogaydeen sabtidii dhawayd waa tii inoo dhacday doorasho heer caalami ah oo meel walba laga amaanay, waar markaa Somaliland barwaaqo badan ayaa u soo maqan ee aynu Al Xamdu li Laahi nidhaahno”.
Si kastaba ha ahaatee, waxa qiimahoodii hoos u dhacay khudrada noocyadeeda kala duwan, taas oo bulshada u ah faa’iido weyn, qofkasta oo aad la kulantaana waxa uu ku faraxsan yahay khudrada jaban ee uu guranayo.
Comments
Post a Comment