Sheekh Aadan Siiro Oo Guri Sandaqad Ah Ku Wareejiyay Agoontii Mujaahid Canjeex

“Waxaynu Ilaahay Ka Baryeynaa Inuu Ina Siiyo Dawlad Khayr Badan Oo Aynu Rajadeeda Qabno Oo Agoomaha Iyo Dadkeena Jilicsan Daryeesha” Sheekh Aadan Siiro
Hargeysa, Somaliland, July 1, 2010 (Saxafi) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro] oo ka mid ah Culimada waa-weyn ee reer Somaliland ayaa Ilaahay ka baryey inuu dalkan siiyo Dawlad Khayr qabta oo agoomaha iyo dadka jilicdasan daryeesha Kaydna u sameysa, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland guda iyo dibad-ba inay gacan wax ku ool ah  ka soo geystaan sidii ay wax loola qaban, gacan caawimana la siin lahaa  caruurtan yar yar ee  agoomaha ah oo uu ka dhintay mujaahid weyn ee ka mid ah halgamaayashi SNM ee dalka  xoreeyey, maanta midhihii ay beereen la hadhsanayo.
Sida waxa uu Sheekh Aadan-Siiro ka sheegay mar aanu shalay booqanay Dhisme Sandaqad ah oo ka kooban laba qol iyo baran-dahoodi oo loo dhisay agoonta Ilma Maxamuud Cabdi Xasan.
Sheekh Aadan-Siiro ayaa oo ka hadlayey tirada aqalada loo dhisay caruurta uu Mujaahidku ka tagay ee isla liidatay, waxaanu yidhi “Laba qol iyo barandihiisa oo aynu u dhisnay agoonta Marxuum Maxamuud Cabdi Xasan [Canjeex] ka tagay, barnaamijkaasi si qiimo badan ayuu u dhacay. Agoontu waxay ka kooban tahay 11-qof, waxaanan ugu talo-galnay kow iyo tobanka qof gurigii waynu u dhisnay waydinka arka markii hore waxay gali jireen Buulka Bay-bayga ah, laakiin maanta gurigan ayeynu u dhisnay, laakin waxaynu u baahanay inay qaadhaan uruurin kale u sameyno, waxaana agoontan haysa ayeydood Shugri Jaamac Xasan oo ku soo tabacday, caruurta hooyadood lama joogto oo markii ay dhibaatada aragtay ayey ka tagtay, iyada caws ku korisay”
Mar Aadan Siiro waxa uu sheegay inay ayeeyo Shugri Jaamac Xasan ay leedahay dhiikar iyo macaan.
 “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqeynaa jaaliyada reer Somaliland ee dalka DAHRAAN, oo runtii aad iyo aad uga qeybqaatay dhismahan, waxa kale oo aan u mahad-naqaynaa Inanka degen dalka  Canada ee la yidhaahdo Rashiid Xasan Jirde oo isagu keligii 1000 [kun Dolar] ku soo daray mashruucan, waxaanu leenahay Ilaahay miisaanka  xasanaadka ha kugu daro adiga iyo kuwa kale ee khayrka badan ee wanaaga u adeega”ayuu yidhi Aadan-Siiro.
Sheekhu isaga oo hadalkkiisa sii watana waxa uu yidhi“Laba Kun oo Dolar [2000$] ayaanu haynaa  oo aanu doonayno inaanu kala tashano caruurta ayeydood Shugri Jaamac Xasan, bal agoonta intuu Ilaahay faraj u keenayo in lagu sii wado masaariiftooda,waxaanu ku dedaalaynaa in caruurta la geeyo Madarisad, inaga oo isku wada dhan ayaa waxaan doonayaa inaynu caruurta barnaamijkooda si talaabo talaabo ah uga war-hayno, ilaa inta ay wax ku qabsan karayaana, kol haddii aynu hawshii u dhaqaaqnay kolay inaanu meel ku tiirino, ayuu balankeenu yahay”
Sheekh Aadan-Siiro waxa uu ugu baaqay qurba-jooga Somaliland iyo dadka dalkaba ku nool waxa uu yidhi “Jaaliyaadka reer Somaliland ee dibada iyo dadka kale ee Muslimiinta ahba ee dareenku ku jiro, runtii waxaanu aad iyo aad iyo dadka gudaha ahba waxaanu la socodsiinaynaa inay mashruucan ay ka soo qeyb-qaataan. Markaynu agoonteena, Rasuulku waxa uu yidhi “Waxa la idinku gar-gaarayaa inta dadkiina jilicsan ee itaalka daran aad taban-tabisaan. Waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu ina siiyo dawlad khayr badan oo aynu rajadeeda qabno oo agoomaha iyo dadkeena jilicsan daryeesha oo Kayd u sameysa, ilaa inta ay iyagu  isku filaanayso”
 “Arrintaasi waa arrin si khatar ah aanu ugu dhiirinayno dadka dibadaha ah, inta agoonta meel la dejinayo, barnaamijyada wixii danbe Flim Documentary ayaanu  doonaynaa inaanu ka sameyno”
Aadan-Siiro waxa amaan si kal iyo laaba ugu soo jeediyey qaar ka mid ah saxaafada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa bahda Saxaafada oo ay ku jirto Website-ka Hadhwanaagnews oo runtii aad iyo aad uga qeybqaatay iyo sidoo kale TV-ga Horn Cable TV, iyo Wargeyska Saxafi”.
Hooyo Shugri  Jaamac Xasan oo ah ayeeyada Caruurta agoonta ah ee ila Cabdi Xasan gacanta ku haysa  oo la sheegay inay caruurta ku korin jirtay caws, ayaa iyada oo wajigeda ay ka muuqatey farxad xad-dhaaf ah ayaa waxay si niyad ah ugu bogaadisay qurba-jooga reer Somaliland, gaar ahaan dadkii ka damqaday ee dar Ilaahay u soo caawiyey, sidoo kale waxay u mahad-naqday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro] oo ay ku amaantay ayeeyadu sida darta Ilaahay ee uu dadka jilicdasan ugu dhaq-dhaqaaqo, waxaanay ilaahay uga bariday inuu  khayrkeeda siiyo.

Comments

  1. aadan2018@hotmail.comAugust 19, 2010 at 4:02 AM

    waad hadasantahay nin walaaba waxii uu dar illaahay ugaysatay buu kahelaa????????/

    ReplyDelete

Post a Comment