Somaliland: Malafsigii Masuuliyiinta UDUB oo Dhaawacay Meeqaamkii Qaranimo Iyo Milgihii Doorashada Madaxtooyada

Faallo…… Weriye Cumar M. Faarax
Wuxuu sitay oo uu xidhnaa Macawis iyo Cumaamad, wuu dibin-jabsanaa waxaana ka muuqday daalka iyo diiftii olalihii taageero raadiska ahaa ee uu ku doonayay in dib loogu soo doorto Xisbigiisa UDUB oo uu socdaal arrintaasi la xidhiidha uu cagta soo maray baddi gobolada waaweyn ee dalka guud ahaan, waxaanu si gaar ah culayska u saarayay Galbeedka Burco iyo Gobolka cusub ee Oodweyne oo uu ka soo jeedo.Waxa Wajigiisu sawir ka bixinayay sida Maskaxdiisu ay isu miranaysay oo uu u saarnaa culays nafsi ah iyo mowjado siyaasadeed oo xoog-lihi.
Waa loo raxlaynayay oo waxa dabo-boodayay dad u badnaa Kaadiriinta Xisbiyahanada ah ee qalbiga u sii daayay Afkaarta xisbigaas, waxa ilaalinayay Askari dirays qaad wanaagsanaa oo ku jeeni qaarnaa qoriga boobaha fudud ee AK-47. Masuulkani waa diiga goobtan, haddii si kale loo dhigana waa sarkaal is-nacay oo Xisbiga UDUB waxa mansab ahaan uga sarreeya laban qof oo qudha Waa Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Md. Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu qabanayay shir jaraa’id oo xisbigaasi qabto kii ugu dheg- xumada badnaa ee gudaha dalka iyo dibada shacbiga Somaliland ka dheygageen.
Xoghayaha uun kuma koobna qulubkani ee Saaxiibkii ku weheliyay Shirkan jaraa’id, oo ahaa Guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxa wajigiisu sawirayay diihaal ka badan inta Xoghayaha Guud. Timihiisa jilicsan oo Raamoobay ayaa malaha wax badan ka qayiray Midabkiisii, waxaad ka dareemaysay oo dhafoorka kaga taalay inaanu saacado badan wax nasasho ah qaadan.Waliba waxa isaga u dheerayd maskaxdiisa oo uu tuujiyay oo uu soo diyaariyay nuxurka qoraalkii ay Shirka Jaraa’id ka sheegayeen.
Jaamac Yaasiin Faarax, wuxuu qadar 30 daqiiqo ku dhow xafiiskiisa la fadhiyay Suxufiyiintii, waxaanu tamaniyay inuu sugsiiyo inta la dhamaystirayay qoraalkii ay shirka kaga hadlayeen oo uu gacanta ku hayay Cismaan Hindi, oo fadhiyay Xafiis ka soo horjeeda kan aanu joognay ee Xoghayaha guud. “I Suga oo samir yeesha wax yar, ma aqaanno Af-soomaaliga shaqaladiisa gaagaaban iyo kuwiisa dhaadheerba, haddii aanu ku qori lahayn afafkaas kale ee aan wax ku baranayay way fiicnaan lahayd,”ayuu Suxufiyiintii ku yidhi Xoghayuhu, waxaanu intaasi ku daray “Cismaan Hindi ayaa iga yaqaana Shaqalada Af-soomaaliga oo soo diyaarinaya Warsaxaafadeed kooban oo aanu idiin qeybinayno’e.”
Qadar ayaanu sii sugaynay kolba wuxuu ku tiraabayay “Soo Dedejiya maxaa lala qabanayaa,” iyo erayo kale oo kuwaasi la mid ahaa. Intii aanu bilaabin shirka Jaraa’id waxa u soo galay isagoo Telefoon la ordayay Askarigiisii oo inta uu u soo fiiqay Mobile ku yidhi “Xoghaye la hadal waa Madaxweyne Ku Xigeenkiiye” Xoghayuhuna si kalsooniyi ku jirtay wuxuu ugu jawaabay “Igadaa imika waanigan Shirka Jaraa’id galayee” waxaanu Askarigii ugu hal-celiyay “ Xoghaye khadka ayuu ku jiraaye’e la hadal.” Ka dibna Xoghayuhu inta uu Telefoonkii Hello yidhi ayuu go’ay ka dibna wuxuu dul dhigay miiskii uu fadhiyay. Hase yeeshee qadar yar ka dib waxa la soo hadalay qof kale waxaanu Xoghayuhu kor ugu jibaaday “Wasiir haa, imika ayaan shir jaraa’id ayaan u fadhiyaa Suxufiyiintiina way I hor fadhiyaan. Wax wanaagsan mooyaane’e wax aad ka naxdo ma odhanayno.Haa waan la tashaday ciddii ay khusaysay.”
Suxufiyiintii shirkaasi ka qeyb gashay ee goobta fadhiyay ma ay garanaynin Wasiirkaasi ka uu ahaa, Xoghayuhuna muu magac-dhabin Wasiirkaasi waxaase muuqatay inuu ahaa mid ay isku uur ahaayeen oo danaynayay baaqoodan lana safnaa.
Intaasi ka dib waxa la gudo galay shirkaasi jaraa’id waxaana dulucdii laga lahaa halkaasi ka sheegay Gudoomiyaha olalaha doorashada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal ka dibna Xoghayaha ayaa faah faahin ka bixiyay hadal is difaac u badnaa oo ay kaga digayeen kana afeefanayeen in Komishanku uu ku dhawaaqo natiijada ku meel gaadhka ah ee doorashadii Madaxtooyada ee taariikhiga ahayd ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay, waxaanay sawir iyo turjumaad khaldan ka bixinayeen xalaalnimada doorashadii beesha caalamka ka marag kaceen.
Waxaanay noqdeen xisbigii u horreeyay ee Afrikaan ah ee taariikhda sida lagu hayo ku andacooda isagoo Tallada haya in lagaga shubtay.
Saacado ka dib waxa warkii meel walba ka dhacay waxaana Hadalkii labadaasi masuul noqday midkii ugu cambaaraynta badnaa waxaana loo tirinayay inay oof-wareemeen dhaawac culusna soo gaadhsiiyeen sumcadii qarankan layliga ku ah hanaanka dimuqraadiyadu uu soo bandhigay waxaana lagu tilmaamay doorasho heerkeedu gaadh siisnaa (Standard) wadamada lagu majeerto hab dhaqan dawladeedkan casriga ah.
Madaxweyne Rayaale ayaa shalay shacbiga iyo dhegaha mujtamaca Somaliland iyo beesha caalamkaba ka dhaqdhaqayay sumcad xumada weyn ee ay Somaliland u soo jiideen labadaasi masuul, waxaana xaraarada dadweynuhu hoos u dhacday markii uu shalay raali gelin ka bixiyay isla markaana uu balan ku qaaday inuu aqbalayo natiijada ay Komishanka doorashooyinka ka soo yeedha.
Labadan masuul ayaa loo nisbeeyay inay shaqeysteen taariikh xumo mug weyn isla markaana ay si dadban u noqdeen codowga Somaliland ee hanaanka dimuqraadiyada waxaanay ka dhigan yihiin kuwo Somaliland ka dilay in ku dhow 70 askari oo ka mid ah ciidamada qaranka ee safka hore kaga jira soohdinta Somaliland la leedahay Dalka dagaaladu dishoodeen ee Somalia oo Somaliland xornimadoodii kala soo noqotay 19 sanadood ka hor, siday ku doodeen Xeel dheereyaal aqoon durugsan u leh dhinaca Milatatiga.waxaanay dadka fikirkaasi aaminsanaa ay ku qabeen in labadan nin ay ka mid ahaayeen unug firfircoon oo ka mid ah masuuliyiintii la daadegay kalsoonidii lagu qabtay xukuumada Rayaale.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

Comments