Waa Lagaa Codeeyay Ee Ka Carrow Rayaalow?
Bismillaahi rahmani rahiim.
Waxa mahad leh Allah awooda leh, ee suurto galiyay in shacabka Somaliland ay u codeeyay si xor ah oo xalaal ah iyaga oo ka tashanaya masiirkooda ciddii hogaamin lahayd shanta sanno ee soo socota. Waxa sharaf ii ah manta inaan u hambelyeeyo shacabka Somaliland haddii ay noqon lahaayeen suxufiyiinta, wax garadka, culima-u-diinka, asxaabta mucaaridka, iyo taageerayasha xisbiyada.
Haddii aan inta ku dhaafo hambalyada, waxaynu ka wada dheregsannahay in Somaliland doorashado ka dhacdo loo soo dhabar adaygay, dulqaad badan loo muujiyay, illaa ay gaadhay in dhalinyar ka damqatay ku xadgudubka xukuumada dhacday shuruucda dalka u yaala ay u waayeen naftooda, Allah ha u naxariistu jannada fardowsana haka waraabiyo, aameen.
In ka badan labo sanno ka dib waxa suurto gashay in doorasho ka dhacdo Somaliland, waxaana amaanteeda iska leh Guddida Doorashooyinka Somaliland oo noqday hawl kar runtii taariikhdu qori doonto dedaalka ay u galeen inay ka weecdaan waddadii ay mareen kuwii ka horeeyay, iyo shacabka xariirta ah ee jecel inay wanaagooda ka tashadaan markasta oo loo baahdo.
DHIIG MIIRATO:
Waxa xusid mudan in Xukuumada dhacday ay isku dayday si kasta oo ay ku baajin lahayd doorasho inay dhacdo, laga bilaabo maalintii ay ogaadeen in komiishanku yahay dad hawl kar ah oo daacad ah. Waxa xaqiiq ah in shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay ka sinnaayeen kalmadda ah,”ISBEDEL”, marka laga reebo kuwo gaar ah oo danahooda gaarka ah eeganaya, ama shaqsi necbaysi ku jiro. Waayo waxqabadka xukuumadda dhacday kollay mid cid loo sheegayo maaha, waa mid sababtay in dhalinyartii u soo kacaysay dalka ku baaba’do saxaro iyo bad, waa xukuumad baabiisay rajadii dadkii aqoonta lahaa, ama waxbanaysay, xukuumada Rayaale ee dhacday waxa lagu xanto waxay ahayd, “ waxa u hadhay oo kaliya inay dadka faleembo, ama tuumbo gashato oo dhiiga ka miirato”, kollay weedhaasi waa mid fac weyn oo runtii macnawiyan ku fadhida qiimo.
KU SHUBASHO MISE KA SHUBASHO:
Waligaa ma aragtay dowlad haysata dhaqaale, polis, iyo taageero, hadana ku eedeysa mucaarad aan haysan intaba inay ku shubteen, isticmaaleen xoog, jidh dil, cago jugleyn? Nin noolow maxaa aragti kuu laaban, iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana waxa goobyoogayaashii caddeeyeen meesha kaliya ee musuq maasuqa ka dhacay ay ahayd gobolka Awdal, caasimaddiisa boorama, cidda kaliya ee si qayrul sharci ah u isticmaashay hantidii umadda ka dhaxaysay ay tahay xisbiga talada hayay . waxa taasna u marqaati furay goob joogayaashii maxalliga ahaa ee indho indhaynayay siday doorashadu u dhacaysay.
Taa bedelkeeda waxay shacabku muujiyeen inay shalayna doorteen Rayaale iyagoon u eegin qabiil, taariikh iyo wax qabad toona, manta ay uga qaadaan sidii shalay ay u doorteen, iyaga oo tix jacbur ahna u raaciyay:
Ilaah ba daayinee
duulkii dulmiga badnaa
dadkii wuu diidayoo
kulmiyuu doonayaa
inuu dowlad dhisoo
daafaha somaliland
duruufaha taagan iyo
dowladan udubee
ku durduriday hanaankii
iyo haykalkii dowladnimo
ku doorsho duul kaloo
u diir naxaya shacabkoo
kolna aan dulminahayn
Daacad ka ah howshoo
Daadihiya somalilandoo
Dunida bara waxay tahay
Kulmiyoow adaanu ku dooranoo
Kugu doorinnay duulkii hore.
Waxa nasiib darro ah, in xukuumad ku fashilantay dhinac kasta, iska daa wax kaloo soo bandhigi wayday barnaamij siyaasadeed oo lagu doorto ay hadana doorasho gasho iyaga oo rajo ka qaba inay shacabka ka iibsan karaan mustaqbalkooda, iyaga oo waliba siinaya hantidii umadda, garo oo maaha mid ay iyagu la yimaadeen, waa tii wax loogu qaban lahaa umadda Somaliland. Taa bedelkeedu waxay shacabku ugu bedeleen inay ka shubtaan codkooda ugu shubaanna xisbiyada mucaaridka waliba xisbiga kulmiye.
SANDULLAAD KU AQBALI DOORKAN
Kollay waxa ku kallifayay Dowladda dhacday inay qabato doorasho mar hore manta ayay soo baxday, haddii ay dad badan ka qarsoonayd, lakin somalidu waxay tidhaahdaa,” talo waa mar aad garan waydo iyo mar ay ku seegto”, Rayaale iyo xukuumaddiisa dhacday talo may garan waayin, ee waa mid seegtay, waayo haddii ay inna yihiin dad daacad ka ahaa howsha loo igmaday oo rajo ka qabay inay ummada doortaan mar kale, dhagax been ah dadka umay kariyeen, hantida umadda may iibsadeen, dhaqaalaha umadda may curyaamiyeen, dhalinta saxaraha may u ogolaadeen.
26 june, waa maalin qiimo weyn ku leh Somaliland, waa malintii la iska saaray saancaddaalihii ingiriis iyo wuxuu watay, doorkanna Rayaale iyo kuwa kale ee soo shaqo tagay ayaa loo qaaday, “ HIT THE ROAD, AMA KA CARROW WAA LAGAA CODEEYEE”.
Inay aqbalaan in laga badiyayna kollay waa wax aan gorgortan gali Karin, haddii mujaahid siilaanyo 2003dii loogu quus gooyay 80 cod baa lagaa helay, ma manta ayaa iyada oo laga badan yahay in ka badan 100,000 oo cod loo baryayaa Rayaale iyo jug soo dhacay aqbalka natiijada? Jawaabtu waa maya, waa lagu shubtay waxa u dhaami lahayd waa la iga codeeyay ee hambalyo, taasaana sharaf u ahaan lahayd. Lakin cidhib horeedkoodii oo la ogaa waxay ku darsadeen cidhib dambeed xun.
Haddii aad diido adoo ikhtiyaar leh, sandullaad ku aqbali.
Abdirizak D Guled
London, UK
Comments
Post a Comment