Wasiirka Maaliyadda Oo Amray Joojinta Cashuuro La Qaadi Jiray Intaan UDUB Doorashada Lagaga Adkaan

Lacagtan Waxa Ka Mida Lacagta Taakulaynta Gobolada Bariga Iyo Lacagaha Qadimaada Macaashal Macaashka Oo Muddo Laba Sano Ah La Qaadayey
Hargeysa, Somaliland, July 2, 2010 (Saxafi) – Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale ayaa shalay ku amray kastamada Jamhuuriyada Somaliland inay joojiyaan lacagaha laba cashuurood oo ay qaadi jireen muddo laba sanno ah, taas oo si sharci daro ah u qaadi jiray.
Lacagtaas la qaadi jiray ayaa la bilaabay intii uu wasiir Cawil Cali Ducaale xilka qabtay, taas oo dadku ay hore uga caban jireen.
 lacagahaas oo hadda joojiyey oo kala ah sub-head, 2% taakuleynta gobolada bariga ee Sool iyo Sanaag iyo sub-head 2% macaashal macaashka lagaga sii qadimi jiray ganacsatada iyo dadka shicibka ahba wixii usoo dagaya oo ay ku jiraan Baabuurta yaryar ee sida shakhsiga ah ay dadweynuhu ula soo dagaan.
 labadaas cashuurood ee dadka laga qaado ayaan hore aanay u ansixin golaha Sharcidajinta Somaliland, balse waxay kastamadu sifo sharciga ka baxsan u qaadi jiraan cashuurtaas.
Amarkan wasiirka ee cusub ayaa sida la sheegay ay diideen shaqaalaha Kastamka magaalada Berbera, ka dib markii ay ilaa todoba ganacsade cashuurta ka dhaafeen iyagoo ku sababeeyey in maadaama oo ay hore u qaadi jireen ay la sugaan maamulka dawlada cusub ee la filayo  inay dhowaaan xilka la wareegto, taasina iyaga ay u taalo inay joojiyaan maadaama oo markii horaba ay sifo sharci daro loo qaadi jiray.

Comments