Xisbiga UDUB Oo Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub

Hargeysa, Somaliland, July 2, 2010 (Saxafi) – Xisbiga UDUB ayaa soo dhoweeyey isla markaana hambalyeeyey natiijada ku meel gaadhka ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland xalay ku dhawaaqeen, taasoo xisbiga Kulmiye ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee doorashada.
Guddoomiyihii Ololaha doorashada ee UDUB, Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xisbigoodu hambalyeynayo isla markaana aad u soo dhoweynayo natiijada hor dhaca ah ee Komishanku ku dhawaaqeen, isla markaana la shaqeyn doonaan dawlada cusub ee xisbiga Kulmiye.
Guddoomiyihii Ololaha doorashada ee UDUB, Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi), isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “marka ugu horeysa waxan hambalyaynayaa sidii geesinimada ahayd ee Madaxweyne Daahir Rayaale uu u hadlay horena uu u odhan jiray maantana uu yidhi, hadii laga helo inuu hambalyeynayo, waa geesinimo gooni ah, waxa kale oo aan soo dhoweynayaa natiijada ku meel gaadhka ah ama hor dhaca ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay inay doorashadu u dhacdo si nabadgelyo ah oo qurux badan, waxan ku faraxsanahay dimuqraadiyada Somaliland ka qabatay, Ilaahay waxan uga baryayaa xisbiga Kulmiye inuu u fududeeyo hawsha umadda reer Somaliland u igmatay. Anagu meel baanu soo gaadhsiinay, halkii bay iyaguna ka amba qaadi doonaan, kaambaynkii iyo is turuqii wuu dhamaaday, wada shaqeyn baanu diyaar u nahay si qaranimada loo xoojiyo, saaxiibaday UCID iyo Kulmiye waxan leeyahay doqoni meel lagu kaftamay in lagu kala tagay ayay moodaa. Bill Clinton iyo Bush iyagoo daqiiqadihii ugu dambeeyey is caayaya oo is weeraraya hadana markii maxkamada sare ku dhawaaqday natiijadii kama dambeysta ahayd waxay bilaabeen inay is hambalyeeyaan oo wada shaqeeyaan, anaguna sidaas oo kale ayaanu balan qaadaynaa oo waa hambalyaynaynaa Madaxweynaha cusub, waanan la shaqeyn doonaa”.
Cismaan Hindi wuxu intaa ku daray in shalay gelinkii hore uu qabtay shir jaraa’id qabtay oo uu umadda reer Somaliland ka raali geliyay warsaxaaadeedkii doraad ka soo baxay xisbiga UDUB ee uu ku saxeexnaa xoghayaha guud ee xisbigaasi, Jaamac Yaasiin Faarax, waxanu sheegay in umada reer Somaliland ay u balan qaadayaan xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Comments