Australia oo Mamnuucday Kaambuyuutarada Galaxy Samsung



Xukuumadda Australia ayaa khamiistii shalay si ku-meel gaadh ah u xayirtay, iibka Kaambuyuutka sida telefoonka gacanta u shaqeeya ee shirkada Samsung farsamayso. Kaambuyuutadan iyo qalabka elegtarooniga ah ee shirkadani Samsung farsamayso ayaa si wayn u galay suuqyada dalka Australia, kuwaas oo suuqyada ka saaray kuwa shirkada Apple farsamayso. Waxa jiray dacwad dheer oo dhex martay, shirkadaha Apple iyo Samsung oo isku haystay in Samsung ka xaday nashqad ka mid ah kuwa (iPad). Australia ayaa ka mid noqotay tobanka wadan oo tartanka shirkadaha farsameeya Elegtaroonigu ku loolamayaan suuqyada dalalkooda. Shirkadda Samsung oo laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed waxa ay samaysaa, qalabyo kala duwan oo aad uga jaban kuwa Apple, waxaanay kasbatay dadka shacabka ah ee iibsanaya, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka reer Australia. Maxkamad ayaa dhawaan xukuntay in shirkada apple ay ka been sheegtay dacwad ay hore u sheegtay in Samsung ka xaday nashqada telefoonada gacan ku salaaxa ku shaqeeya.
Screen touch-ka ah oo ay sheegtay shirkadda Apple inay iyadu farsamaysay laakiin Samsung ka xaday nashqadii. Si kasba ha ahaatee dooda shirkada Apple iyo xayiraada ku-meel gaadhka ah ee dawlada dalkaasi ku soo rogtay, ayaa dad badan ku sii kordhiyay shikiga ah in aanay dawlada dalkaasi dhex dhexaad u ahayn shirkadaha elegtarooniga farsameeya. Maxkamada arrimaha elegtarooniga ee dalka Australia ayaa xukuntay dhawaan in kaambuyuutarka miiska loo yaqaan ee shirkada Samsung farsamayso ee luuqada elegtarooniga lagu yidhaahdo (Tablet PC, Galaxy 10.1) aanu ahayn mid nashqadiisa la xaday.

Comments