Boqorka Bhutan oo loo qabtay Mid ka mid Aroosyada ugu balaadhan uguna Kharashka yar dunidda


Wakaaladaha wararka ee dunida iyo dadka warka fidiya ee ku sugan xarunta boqortooyada Bhutan ee Bonacha, ayaa 24-kii saacadood ee u danbeeyay soo tabinayay muuqaaladii kala duwanaa, ee arooska boqorka dalkaas oo maalintii shalay ka dhacay caasimadda dalkaas ee Bonacha. Boqolka oo aad u jecel dhulka joogoodu sareeyo ee buuraleyda Himalayo waxa uu khamiistii qabsaday aroos aad u balaadhan oo kooxaha Buudhisamka ahii ku galbinayeen, Muusig iyo fantasiye kii ugu sareeyay ee dalkaas laga qabto tan iyo sanadkii 1999-kii. Telefishan aad u kooban oo xukuumadda Buudhisamka ku shaqaysa ayaa isna si toos ah looga baahinayay arooskan. Boqor Jigme Khesar Wangchuck, oo 31-jir ahii waa nin jaamiciya oo wax ku soo bartay dalka Ingiriiska kana soo baxay, jaamacadda Oxford ee dalkaas, sida la sheegay waxa uu guursaday haweenay ka mid ah shicibka caadiga ah ee dalkiisa taas oo lagu magacaabo Jtson Pima oo 21-jir ah. Wiilkan boqorka ah ayaa degan qasri la dhisay qarnigii 17aad. Qasrigan ayaa loo yaqaanaa boqortooyada xayiran, dadka intiisa badanina ma galaan dhismahan. Hasa yeeshee waxa sanadkan arooska awgeed loo furay dadka. Boqortooyada Bhutan waxa ay ka mid tahay dalalka ugu yar dunidda waxaana dadka ku nool lagu qiyaasaa 7-boqol oo kun oo qof. Dalkaas sanadkii 2006-dii ayaa laga bilaabay hanaanka xisbiyada badan, waxaana ka jira xisbiyo iyo nidaam xukuumaddeed dadka soo doortaan. Inkasta oo arooskani ahaa mid boqortooyo haddana waxa la sheegay inaan lacag badani ku bixin, sababtuna waa boqorkan oo aaminsan diinta Budhisamka loo yaqaan, oo dadka rumaysani cunaan khudaarta oo kaliya. In badan oo ka mid ah khudrada arooska loo isticmaalayay ayaa intooda badan shacbigu bixiyay ama dadku u soo ururiyay. Arooska ayaa la soo dhex mariyay jidadka waaweyn ee magaalada oo ay safnaayeen, boqolaal kun oo qof, kuwaas oo intooda badani xidhnaayeen dharka midabka cas ee dadka Buudhuhu ku labistaan. Dalkan ayaa ku yaal degaan xasaasi ah juqraafi ahaan, waxaanu u dhexeeyaa labada dal ee dunidda ugu dadka badan Shiinaha iyo Hindiya, sidoo kale cadaadis badan ayaa ka haysta dalka Shiinaha oo isagu si adag uga soo horjeeda, nidaamka dumuqraadiyadeed ee dalkaas ka hirgalay.

Comments

  1. Casino Royale - Live Dealer Games - Virgin Games
    Casino Royale is a live casino with https://vannienailor4166blog.blogspot.com/ a large, eclectic portfolio of febcasino casino games. 바카라 사이트 Players novcasino can play 바카라 this game with live dealers,

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular Posts