CIIDAMADA AMMAANKA OO TAALLAABOOYIN LAGU SUGAYO AMNIGA KA WADA MAGAALADA.

Boorama ,Oct-- Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala degaanka Boorama
ayaa mar kale
caawa magaalada ka wada talaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga
.Ciidamada ayaa isgoys kasta o magaalada dhexdeeda ah ku joojinaya
gaadiidka kala duwan ee dhex socda magaalada mark laagu daro
gaadiidka dadweynaha.
Ciidamadan oo isugu jira kuwa miltariga iyo Booliskaba leh ayaa
darawaliinta ku amraya inay joogsadaan isla markaana demiyaan
laydhadhka,kuwa gudahana shidaan kaddibna iska sii daaya iyagoon waxba
weydiinayn.
Lama oga ilaa imika tallaabooyinkan in la qado waxa sababay ,kuwaasoo
kusoo beegmay wakhti ay magaalada Boorama ku suganyihiin xubno ka
tirsan g/wasiirada,kuwaasoo kala ah waasiirka hawlaha Guud ,ismaaciil
Muumin aare,iyo wasiirka dibudejinta C/risaaq Cali cusmaan .
waa markii labaad ee muddo bil gudaheed ah ciidamada ammanka ee boorama ka
hawlgalaa qaadaan tallaabooyin noocan oo kala ah ,iyagoo horebaa
masuulyiinta amniga ee Boorama ama gobolku diideen inay ka
warbixxiyaan tallabooyibkan oo kale inay qaadaan waxa sababay.

Comments