Ciidamada sida gaarka ah u tabobarran ee Kenya oo kaashanaya ciidamada Faransiiska ayaa la sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka Raaskaamboonni ee gobolka Jubbada hoose ay ku dileen illaa 6 qof, iyaga oo tiro kalena ku dhaawacay.

Ciidamada sida gaarka ah u tabobarran ee Kenya oo kaashanaya ciidamada Faransiiska ayaa la sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen deegaanka Raaskaamboonni ee gobolka Jubbada hoose ay ku dileen illaa 6 qof, iyaga oo tiro kalena ku dhaawacay.

Dadkan ay ciidamadu dilka u gaysteen ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee inta badan gacanta ku haysa gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, weerarkan ay ciidamada Kenya iyo Faransiisku ku qaadeen Raaskaamboonni ayaa lagu fuliyay doonyaha dheereeya oo ay kaalinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab oo iyadu gacanta ku haysa Jasiiradda Raaskaamboonni oo xuduud la leh dalka Kenya.

Warku wuxu intaas ku darayaa in ciidamadu toogasho ku dileen illaa iyo 6 qof, iyaga oo sidoo kale qabqabtay shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo la rumeysan yahay iney ku lug lahayd afduub laga geystay xeebaha magaalada Lamu ee Jamhuuriyadda Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, labada dal ee Kenya iyo Faransiiska ayaan si rasmi ah uga hadal weerarkan balse waxaa loo maleynayaa in weerarkan looga gol lahaa sidii lagu soo furan lahaa haweeney da’ ah oo u dhalatay waddanka Faransiiska, taas oo kal hore laga soo afduubay gudaha dalka Kenya.

Dhinaca kalana wararka ka imanaya deegaannada ku teedsan soohdimaha waddamada Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Xukuumadda Kenya ay kumannaan askari oo ka tirsan milatariga dalkeeda soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si loo adkeeyo ammaanka iyo xassiloonida gudaha Kenya oo waayadan u muuqday mid khatar ah.

Muddo bil gudaheeda ah ayay kooxahaasi dableyda ahi waxay afduubteen labo dalxiisayaal oo u kala dhashay Faransiiska iyo Ingiriiska, iyaga oo dilay dalxiise Ingiriis ah oo kale.

Comments