Ciyaar yahanad Reer Tuunisiya ah oo Dhaar Ka Martay Inay Kulmaan Dhigeeda Reer Israel


Ciyaar yahanada reer Tuunisiya ee Azza Besbes oo ka mid ah, hablaha ugu caansan ciyaarta seefaha ee qaarada Afrika, ayaa dhaar ka martay inay la ciyaarto gabadh reer Israel ah oo ay kulan ku wada yeelan lahaayeen magaalada “Catania” ee dalka Talyaaniga. Gabadha reer Israel oo lagu magacaabo Naomi Mills ayaa ahayd qofka ay faynalka isugu soo baxeen, waxaana si cad loo sii sadaalinayay in haweenaydan reer Tuuniisiya oo ah horyaalka ciyaaraha seefaha ee aduunku ay si fudud uga adkaan doonto. Hasa yeeshee ciyaar yahanada reer Tuuniisiya iyadoo ka cadhaysan dulmiga iyo caddaalad darada dawladda Yuhuudu ku hayso dadka reer Falastiin, taageerana u muujinaysa ayay ku gacmo saydhay inay la qaadato ciyaartaas. Sida wakaaladaha wararka ee aduunku sheegeen waxa muddo ka dib markii la isku dayay in lagu qanciyo, laakiin ay si adag u diiday ayaa guddidii qaban qaabada ee tartankani ay go’aan ku gaadheen in biladii dahabka ahayd la siiyo ciyaar yahanadii reer Israel. Gabadhan ayaa la sheegay in ciyaarta ay ka baxday markii siidhigii koowaad la afuufay, ayna u sheegtay garsoorayaashii ciyaarta in aanay la sii wadi karin qof Yuhuudiyad ah. Arrintan ayaa sida ay qortay shabakada "Twenty Four Forum.com" ee dalka Tuniisiya laga leeyahay, si adag uga cadhaysiisay xidhiidhka tartamada seefaha ee aduunka waxaana si cadaadis loo saaro haweenaydan abaal marintii iyo biladii dahabka ahayd la siiyay Haweenayda reer Israel. Laakiin gabadhan ciyaar yahanada ah ee reer Tuunisiya may noqon mid talaabadaasi wax ka badasho go’aankeedi, kamana murugaysna sida ay wax u dhaceen. Go’aankan ciyaar yahanada reer Tuunisiya ayaa noqonaya kii labaad noociisa ee isla todobaad gudihii ku dhaca, ciyaartoy Yuhuud ah, taas oo ku xigaysa diidmadii todobaadkii hore ay ciyaar yahanad reer Aljeeriya ahii kaga baxday ciyaar ay la yeelan lahayd, gabadh Yuhuudiyad ah oo miisaanka dhexe ee waxyaabaha culculus dadka qaada ahayd oo dhex mari lahayd. Maryama Moses ayaa iyada lafteedu diiday inay ciyaar la yeelato saacadihii u danbeeyay dhigeeda reer Israel Shahar Levy, taas oo ahayd miisaanka 52 kg, ee dunida oo ee ciyaarta judo championships oo ka socota casimadda dalka Talyaaniga ee Rome.

Comments