Inter-net-ka Iyo Halista Uu Ubadka u Leeyahay


Furfurnaanta tignoolajiyada iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah ee sida baaxada leh ugu sii fidaysa dunidda ayaa marba marka ka danbaysa ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka ay ku yeelanayaan nolosha aadamaha iyo sida ay saamaynta ugu yeelanayso hab dhaqanka bulshada iyo qoyska. Inkastoo marba sida loo isticmaalo ay tahay tignoolajiyadu isla markaana ay tahay seef laba af leh oo qofba siduu u isticmaalo ah, haddana waxa si wayn looga dayrinayaan dadka aan caqligoodu ku filnayn isla markaana aan lahayn awood ay waxyaabaha qaarkood iskaga mancin karaan sida caruurta oo kale in meel halis ah ay la galayso xaaladu, una horseedi karto waxyaabo edebtooda iyo noloshooda mustaqbalka wax wayn ka badasha, una horseedi karta inay ku dhacaan falalka xun xun. Caruur tiradoodu lagu qiyaasay hal milyan oo da’doodu ka yar tahay sideed jir ayaa la sheegay inay dalka jarmalka si xoriyad ah u isticmaalaan inter-net-ka kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahii la qabatimeen, isla markaana uga go’een waxbarashadii, xaaladahaas oo cabsi badan ku abuurtay waalidiinta, sidoo kale meelo badan oo ka mid ah dunidda reer galbeedka sharciyada u degsan waalidka iyo habka uu ubadkiisa ula dhaqamayo ayaa wax badan oo laga qaban lahaa halista isticmaalka internet-ku ku yeelanayso caruurta sii kordhinaysa. Haddaba waxa meelo badan oo dunidda ah ka bilaabantay qaylo dhaan waalidiinta iyo dadka maamula shirkaddaha isgaadhsiinta lagaga dalbanayo inay waxyaabo badan xadidaan si looga gaashanto halista ka soo foolka leh isticmaalka internet-ka ee caruurta aadka da’doodu u yar tahay.

Comments