Kenya oo Ka Hadashay Khasaaraha Diyaarad Ciidamadooda Kaga Burburtay Duqeyn ay Ka Geysteen Soomaaliya


Nairobi, October 20, 2011, () – Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in diyaaradaheeda dagaalku duqaymo ka geysteen deegaanno ay ku jirto xarunta gobolka Jubbada hoose ee Kismaanyo iyo jiidaha ku teedsan soohdinta qaybisa dalalka Kenya Somaaliya.
Afhayeenka ciidamada Kenya, Major Emmanuel Chirchir oo saxaafadda kula hadlay Nairobi ayaa xusay in ay duqeeyeen saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay, isaga oo weerarradanna ku macneeyay kuwo qayb ka ah Hawlgal uu sheegay in lagu difaacayo Qaranka Kenya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Moses Wetang’ula ayaa isaguna sheegay in weerarrada ay Soomaaliya ka fulinayaan taageero uga heleen ururka Midowga Afrika iyo dawladda Itoobiya, kaddib booqasho gaaban oo horraantii toddobaadkan ay ku gaadheen Xarunta Addis Ababa.
“Ciidamadayadu waxay rajeynayaan in ay hawgalkan guulo ka gaadhaan” ayuu yidhi Maj. Chirchir, isaga oo niyad-sami ka muujiyay in ay cagta marin doonaan Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ee u soo tallaabay gudaha dalka Soomaailya ayaa saldhig ka dhigtay deegaanka Qooqaanni oo 100 Kiiloo-Mitir u jira xuduudda ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya, iyaga oo la sheegay inay ku taamay la-wareegidda gacan-ku-haynta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Afhayeenka ciidamada Milateriga ee dawladda Kenya, Major Emmanuel Chirchir, waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dayuurad ciidankoodu watay oo ku burburtay soohdinta labada dal ee Somalia iyo Kenya, isaga oo sheegay in diyaaraddan oo ahayd kuwa qummaatiga u kaca (Helicopter) ay ku burburtay meel ku dhow deegaanka Libooyo oo 14 Kiiloo-Mitir u jira xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Major Chirchir waxa uu sidoo kale sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Kenya qayb ka yihiin duullaanka ay ku qaadeen dalka Soomaaliya kaas oo ay kula dagaallamayaan xoogagga Al-Shabaab oo awood badan ku leh Koonfurta Soomaaliya.
“Weerarrada illaa iyo hadda aannu qaadnay waxaannu ku dilnay 73 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,” ayuu yidhi Chirchir, oo intaas ku daray in askarta Kenya kaga dhintay dagaalku ay yihiin shanta askari ee diyaaraddu la burburtay oo qudha.
Xukuumadda Kenya yaaa sheegtay in dagaalkan ay taageero kaga haysato dawladda Ku-meelgaadhka ah ee Sheekh Shariif, Itoobiya iyo ururka Midowga Afrika, waxayna sheegeen in aanuu dagaalka istaagi doonin illaa la xaqiijinayo ammaanka deegaannadooda ku teedsan xuduudda.
Si taas la mid ah, Xarakada Al-Shabaab ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay in ay go'aansatay in ay dagaal la gasho dalka Kenya, maadaama, bay yidhaahdeen – uu faragelin Milatari ku sameeyay dalka Soomaaliya. Al-Shabaab waxay shucuubta Islaamka ah ee ku dhaqan dalka Soomaaliya in ay dalkooda daafacdaan, isla mar ahaantaasna ay dagaal kala hor tagaan cadowga gaalada ah ee dhulkooda ku soo duulay – Waa sida ay u dhigeen’e.

Comments