MAXAA LOO QAADAN KARAA SOCDAALKA MADAXWEYNE SIILAANYO EE BARIGA SOOMAALILAND

Madaxweynaha soomaaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo ,ayaa socdaal ku tegey bariga soomaaliland halkaasoo saldhig u ahayd
taageerayaasha xisbulxaakimka eegga ee KuLMIYE wakhtigii ololaha.Socdaalka madaxweynaha oo ah kii ugu horreeyey ee
uu ku tego degaanadaasi ,ayaa waxa uu ka dambeeyey maalmo iyo bilo Hargaysa laga waday hadallo ,iyo dhaliilo ku saabsan
xukuumaddiisa ,xisbigiisa ,iyo xafiisyadiisaba,kuwaasoo ay dhaliilahaasoo ay dhinacyo badan kaga afuufayeen xisbiyada
mucaaradka,siyaasiyiin,madaxdhaqameedyo ,iyo ururro kaleba .dhaliilahaasi oo ku saabsanaa arrimo kala
duwan sida dhinaca siyaasadda ,dhaqaalaha ,amniga ,iyo shaqo la'aanta ,golayaasha ,iyo xitaa nolosha bulshada,ayaa lagu
weeraray isaga iyo qaar ka mid ah masuulyiintiisa ka tirsan golaha wasiirada ,kuwaasoo uu ugu horreeyo wasiirka
duulista oo lagu eedeeyey xaraashka dhulka wasaaraddaasi.waxay xisbiyadaasi iyo siyaasiyiintaasi oo u badnaa xukuumaddii
Rayaale aakhirataankii badeen in madaxweynuhu saqdhexe jawaab an fiicnayn o jeediyo akana jawaabo waxyaalihii ay ku hadlayeen.
Markaan dib ugusoo noqonno safarka madaxweynaha ee bariga soomaaliland ,waxay dad badani ka bixin karaan sifo kala duwan.
waa tan koowaade waxa uu taageerayaashiisa ,iyo cadowgiisa dhinaca siyaasaddaba u muujinayey inuu horta caafimaad
qabo ,meeshana uga baxaan warar lagasoo xigto siday mucaaradku sheegeen qaar ka mid ah kuwa ka ag dhaw madaxtooyada.
waa tan labaad waxa loo qaadan karaa inuu safarkani yahay mid uu mucaaradkiisa ku tusayey taageerada ay u hayaan
shacbiga soomaaliland ee ku nool gobolada bari ee dalku.waa tan saddexaade waxa loo qaadan kara inuu madaxweynuhu
Muuujinayey inuu gaadhay gobol anay madaxweynayaashii hore tiigsan,ama anay awoodin inay ka khudbadeeyaan.waa tan
afraad waxa loo qaadan karayey in madaxweyne siilaanyo tijaabinayey heerka ay gaadhsiisantahay mucaaradadda bariga
soomaaliland,taasoo ay horsweed ka ahaayeen ama ka yihiinba madaxdii hore ee dawladdii rayaale .
Markaan dib u raacno waxyaalaha uu safarkiisa kaga soo faaiideystay madaxweyne siilaanyo ,ayaa uun ah demninta
cadho kaga imanaysay dadweynaha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha galbeedka Burco ,isla markaana ka farxiyo dadkii
iyo shacbigii uu waagii ololaha ugu ballanqaaday horumarka ,una sheego in wixii uu uu ugu ballanqaaday waagii ay
haatan ku adkadeen fulintoodu sida jidka ceerigaabo iyoBurco,kana cudurdaarto maqnaanshaha uucaasimadda kaga maqnaa
ilaa wakhtigii la doortay.madaxweynaha oo safarkaa hortii waxoogaa deeq ah loo qaybiyey dad goboladaasi abaaro ku heleen,
ayaa dhinaca kale la odhan karaa madaxweynuhu boqolkiiba boqol ma hananin quluubta shucuubta bariga iyo siyaasiyiintoodaba
iyadoo ad moodaysay in soo dhaweyntii xad-dhaafka ahayd iyo sacabkii lagaga farxiyey markii uu gaadhay magaalooyinka
bariga soomaaliland ay ahaayeen kuwa qalbiga loogu qaboojinayey ,dhammaantoodna anay daacad ka ahayn taageerada
xoogga leh ee la tusay .si kastab ha ahaatee madaxweynuhu waxa uu qaaday tallaabo wanaagsan ,isagoo dejiyey ciil badan
iyo badan oo shucuubta goboladaasi u hayeen ,kuwaasoo qaarkood ku tilmaami karayeen inaanu gudin abaalkii ay u galeen
wakhtigii doorashada,waxana madaxweynaha u hadhay safar kale oo dhulkaa ku tego isagoo kaga dhabeeyey ballanqaadyadaasi,isla
markaana anu ballamo kale la tegin goboladaasi .

Comments