WAFDIGA XUKUUMADDA OO BOORAMA KUSOO AFJARAY KHILAAF BEELEED KA TAAGNAA G/AWDAL


'Nina wanaag doonayaayi warqad yar kama xanaaqo*Wasiir duur
Boorama ,oCT-- Wafdigii  ka socday xukuumadda soomaaliland ee uu
horkacayeyey madaxweynekuxigeenka C/Raxamaan Saylci
ayaa maanta Boorama kusoo afjaray khilaaf indhawaaleba kas taagnaa
g/awdal kuna saabsanaa arrimaha dhaqanka.

Wafdigan oo  ahaa ii ugu miisaanka badnaa ee weli xukuumadda axmed
siilaanyo usoo dirtaya gobolka ,ayaa ka koobnaa kudhawaad lix wasiir
wasirrkuxigeenno,agaasimayaal guud ,siyaasiyiin,iyo hawlwadeenno kala
duwan ,kuwaasoo gobolka kusoo qulqulayey
ilaa bishan badhtamaheedii ,ayaa aaakhirataankii waxa kusoo biiray
madaxweynekuxigeenka iyo siyaasiiin kale ,waxayna maanta
ilaa shalay ku hawllanaayeen sidii meel la iskula dhigi lahaa  khilaaf
 u dheeeyey beelaha  reer awdal  soona jiitamayeyilaa bishii Ramadaan
6dii .qado sharaf maanta madaxweynekuxigeenku ku martiqaaday dhammaan
salaadiinta ,waxgaradka iyo
hogaamiyayaasha siyaasadda  ee gobolka awdal ,ayaa maanta lagaga
dhawaaqay halkaasi  .

Inkastoo madaxweynekuxigeenka  oo lagu sheegay xanuun kusoo
booday,hase yeeshee axa hawshaasi dusha u ritay wasiirka duulista iyo
hawada ,iyo wasiirka daakhilga  kuwaasooa go'aan an leexleexad lahayn
u dhiibay dhinacyada khilaafkaasi ka dhex taagnaa.\

qado dharaftan oo ay carqaladayn gaadheen koox yar oo uu horkcayey
suldaanka Beesha H/cafaan  SUL.dhawal,ayaa markii  ay dhamaatay
wafdiga xukuumaddu halkaasi ka sheegay heshiis shalay  ay isla
gaadheen beelaha  hogaamiyedhaqamedyada beelaha samarroon.

UGU horreyn waxa halkaasi ka hadlay badhsaabka cusub axmed  Xaddi
sidci,oo u mahadceliyey wafdiga xukuumadda ,iyo hogaamiyedhaqameedyada
beelaha samarroonba ,isagoo sheegay in  in wafdigu usoo gurmadeen
midnimada beelaha reer awdal ,ilaalinta amniga  iyo in laga hortego
 wax kastoo xasilooni darro keeni kara.

Kaddib waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Duulista iyo hawada Maxamuud
Xaashi Cabdi oo sheegay inay reer awdal ceeb ku tahay wax an sidaa u
 weynayn maanta xukuumaddu ugasoo gurmato,isagoo sheegay inuu kolleyba
jiray isfaham la'aan arriaha dhaqanka ee la isku hayey ilaa muddadaasi
maanta gaadhay meel an la filaynin,wasiirka ayaa sidooa kale
masuulyiinta dawladda ee afdiga ka mid ahayd,salaadiina iyo
siyaasiyiinta reer awdal ku ammaanay sidii ay ula shaqeeyeen iskugu
keeneen madaxdhaqameedyada beelaha samarroon.
Ugu dambayntii waxa halkaasi hadallo kulul kasoo jeediyey wasiirka
Arrimaha Gudaha ,Maxamed Nuur carraale ,kuna hanjabay in cid kastoo ku
xadgudubta heshiiskii odayaasha ee shalay la tacaali doonaan ,maadaam
dawladi jirtana loo dulqaadanayn ciddii ku xadgudubta amniga iyo kala
dambaynta .Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "waxan
maanta halkan idiinka sheegeyaa inaan gaadhnay heshiis shalay ,wax uu
doonaba ha ahaadee ay ugu horreyso in Ugaaska gedebuursi laga qaado
caqabadaha la hordhigayo sodaalkiisa gobolka .waxan maqmaqlayey  qaar
ka amid ah odayaashii shalay oo warad  oo
casuumad ah ka dagaalamaya,oo leh si xunbaa loo qoray oo heshiiska
kuma jirin,waxan leehay nin wanaag  doonayaayi warqad yar kama
cadhoodo,jagacna kuma turunturoodo ninka meel wanaagsan doonaya inuu
gaadho ,sidaa darteed waan idin farayaa inaad ku dhaqantaan go'aankii
shalay la wada gaadhay,laguna xadgudbin arrimaha lagu
heshiiyey,madaxweynahana waan
u sheegeyaa cidda gardarada wadda haddii la fulin waayo,waayyo isaga
uunbaa naga maqan maanta ee dawladdii oo dhammi halkanbay joogtaa
,intaa ninka ixitiraami waayey dee muxuu doonayaa"\

hadalka wasiika arimaha gudaha , ayaa ka dhashay xiisad madasha ay ka
kiciyeen masuulyiin dawladeed ,iyo dhallinyaro kasoo jeedda beelaha
H/cafaan ayna ugu horreeyeen suldaanka beeshaasi ,Xoghayaha guurtida
iyo ganacsato,oo kasoo jeeda beesha wasiirka Beeraha ,kuwaasoo
xubnaha beeshooda
iyo beesha maxame caseba ku tirtisiyayey inay ka baxaan madasha
maadaama qalad loo qoray warqadaha lagu geleyeyqado sharafta
madaxweynekuxigeenku fidiyey,qoraalkaasoo lagu   xusay in
madaxweynekuxigeenku  casuumad  qado sharaf ah u fidiyeyUgaaska
beelaha gedebuusi iyo odayaasha reer awdal,ololahaasoo ay
aakhirataankii waxba ka socon waayeen .

soo afjaridda KHILAAf BEELEEDKA REER AWDAL ayaa ka dambeeyey laba
maalmood ka hor  markii madaxweynekuxigeenkii hore ee soomaaliland
C/Raxmaan Aw Cali Faarax  kusoo dhex dhacay beelaha makaahiil kana
baajiyey safar ay ku tegi lahaayeen degaanada gobolka awdal.

Comments