Xus baroor diiq ah oo loo sameeyey aasaasihii saxaafadda Somaliland

xus balaadhan ayaa loo sameeyey aasaasihii saxaafada iyo qoriyatul
qawlka Somaliland, Maxamuud Cabdi Shide, oo ahaa guddoomiyihii u
horeeyey wargeyska Jamhuuriya oo ka soo baxa magaalada Hargeysa.

Maxamuud Cabdi Shide ayey saxaafada Somaliland u aqoonsatay inuu yahay
aasaasihii warbaahinta Casriga ah, waxaana sanad kasta maalintan oo
kale lagu xusaa, si ummadda loo xasuusiyo kaalintii uu saxaafada kaga
jiray.

Xafladan ayaa waxa soo qabanqaabiyey wargeyska Saxafi, waxaana
munaasibadaa iskugu yimid, suxufiyiin, aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo
marti sharaf farobadan. Munaasibada lagu xusayo 13 guuradii ka soo
wareegtay geeridii Marxuuum: Maxamuud Shide oo ku beegnayd November
09, 1998, ayaa maanta lagu qabtay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay rag badan oo ay soo wada shaqeeyaan
wakhtiyadii saxaafadu socod baradka ku jira, waxaana ka mid ahaa qoraa
Boobe Yuusuf Duceel oo wakhti badan soo qada shaqeeyeen, "Maxamuud
wuxuu ka mid ahaa foolaadkii saxaafada, waxaana sanadkii 1997 kii ka
wada shaqayn jirnay Wargeyska Jamhuuriya, wuxuu ahaa nin adag, muu
ahayn dadka wax xanta balse waxa uu sheegayo qofka hortiisa ayuu ku
odhan jiray" ayuu yidhi Boobe, isagoo sii wata waxa uu yidhi" Maxamuud
waxa uu dalka keenay dhiishkii ugu horeeyey ee satellite ka ku xidhan
oo aanu wararka ka diyaarin jirnay".
"Marxuumku waxa uu waday taalo uu doonayey inuu halkan ka sameeyo oo
ah fooq saddex dabaq ah oo dhakada sare ka saaran yahay sawirkartoonka
dhanxiir oo ka samaysan looxaan uu dibada ka keenay oo ujeedda guriga
madaxtooyada, balse nasiib daro gurigaasi muu dhismin"ayuu yidhi.
Mar kale isagoo Boobo sharaxayo shaqadii adkaa ee marxuumka waxa uu
yidhi, "Wuxuu soo saari jiray barnaamij toddobaadkii soo baxa oo la
odhan jiray faaqidaada toddobaadka, kharashkasta wargeyska ku baxaya
waxa si gaar ah u bixin jiray alla ha u naxariistee Marxuum shide,
‘ wax soo saar uu wargeys Somaliland ka soo baxa yeesho 1997 wargeyska
Jamhuuriyo ayuu ahaa, haddii maanta dhawr boqol ka soo baxa waxa uu
soo saaray jiray maalintii 5200 oo koobi, Maxamuud Cabdi Shide wuxuu
lahaa markab lacag la nooga keeno oo lagu masruufo wargeyska, Maxamuud
nin gacan furan ayuu ahaa oo inta aanu galabtii fadhino fanaantii, hal
abuurka iyo dadka nagu soo booqda xafiiska ayuu lacagta siin jiray, oo
mar mar isku qabsan jirnay isagoo shaqaalihii wax siin inuu dadkaasi
wax siiyo,”
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Baarjeex oo taariikhdii
Marxuumka inoo tilmaama waxaanu yidhi “ anigu ninkaasi waxan u aqaanaa
nin wax curiya, waxyaalaha uu curiyeyna waxa ka mid ah markii
sucuudiga loo shaqo tagay ee dadku ka shaqayn jiray wuxu ahaa ninkii
ugu horeeyey ee shaqaalinimo ka taga ee contractor noqda oo isagu wax
shaqaalaysiiyey ee soomaali ah, markii dhibtu dhacday ee dagaaladu
socdeen wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee maqal iyo muuqaal  ka soo
duubay wixii dhacayey, waxaana isna duubi jiray nin la odhan jiray
Lixle oo isna wax badan ka soo duubay dagaaladii , markii dalka la soo
galay wuxuu ahaa ninkii bilaabay wixii dawlada looga baahnaa ee
gancsatada looga baahnaa uu sameeyo inuu hub ka dhigis sameeyo oo
iskuulo sameeyo oo marka dadku u baahnaa, isagu waxay ujeedada ahayd
waxay dadku markaa u baahan yihiin oo ganacsatadu intooda badan waxay
eegaan waxay dantoodu tahay balse isagu wuu ka duwanaa, wuxu ahaa nin
markii ugu horaysay lacagtii u huray oo soo iibiyey markab xoolaha
dhoofaya lagu raro oo sucuudiga lagu geeyo waxayna wada lahaayeen
Xasan Xawaadle iyo Cabdilaahi Gahayr markabkaasna ALMIS ayaa la odhan
jiray, fikirkana isaga ayaa lahaa, oo dadka u baahnaa oo may lahayn
dadkeenu weel ay ku qaataan xoolaheena la dhoofinayo.
Curinta saddexaad ee uu lahaa iyado waraaqo yaryar lagu qoro ninkii
macno u sameeyey ee ka balaadhiyey wuxuu ahaa Maxamuud Shide oo
madbacadii dalku u baahnaa ee cid kasta oo u baahani ku Daabacanaysay
isaga ayuu ahaa, shirkadii labaad ee isgaadhsiineedna isaga ayaa
keenay oo soltelco ayaa la odhan jiray waliba waxa uu ka
shaqaalaysiiyey dhalinyaradii jabhada ahayd ee dalka soo galay ”
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN ayaa sheegay inuu ahaa nin
geesi ah oo aan qabyaalada aqoon, “ horta aynu u docayno inuu ilaahay
janadii geeyo, maxamuud Cabdi Shide wuxuu ahaa nin geesi ah oo aan
qabyaalada aqoon oo dhalinyarada Somaliland  u siman tahay, ninkasta
oo dhalinyaro ah oo u u arko inuu waxbaranayo oo saxaafada doonaya
agtiisa ayuu fadhiisin jiray, aniga waxyar baanu isku soo gaadhnay
wuxuu ahaa nin geesi ah oo faxal ah oo dadku u aanay kala xigin ”
Md:Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland ayaa
sheegay inuu marxuuumku u yeedhay markii wargeyska la aasasayey “
Marxuum Maxamuud Cabdi Shide nin hawlgar ah ayuu ahaa,  markii
Jamhuuriya la aasaasayey wuu ii yeedhay wuxuuna igu yidhi kaalay oo
wax ku qor wargeyska, dabadeedna toddobaadkii ayaa wax la iga siiyey
oo hal mar ayaan toddobaadkii wax ku qoro jiray oo ilaaa 27 maqaal
ayaan ku qoray, aad ayaan uga faa’iiday runtii, wuxuu ahaa nin
muhindis ah oo wax dadka ku cusub keena”
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta
Somaliland Solja, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, waxanu ka waramay
taariikh nololeedkiisii waxaana ka mid ah hadalkiisii “ taariikhdiisa
dad badan ayaa ka sheekeeyey kuna noqon maayo, laakiin saxaafad ahaan
halbowle naga go’ay ayuu ahaa, Jamhuuriyo isagoo kaliya waxaanu soo
saari jirnay 5500 oo koobi maalinkasta, xiitaa haddii ay madbacadu yar
xumaato dadku ilaa 12 duhurnimo ayey nagu hor sugi jireen.
Waxaanu doonaynaa saxaafad ahaan in aanu laabareeri u dhigno oo aanu
qaadhan iska ururino una dhiibno guddi aanu u xilsaarnay, guddidaasi
oo wixii aanu anagu bixino iyo wixii kale iyaga lagu soo hagaajiyo”
ayuu yidhi Maxamed Rashiid
Guddoomiyaha saxaafadda Somaliland SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isna
xuskaasi ka hadlay waxa uu yidhi ‘ maalinta saxaafadda Somaliland
waxaanu u astaynay in aanu ka dhigano maalintii uu dhintay Maxamuud
Cabdi Shide, laakiin may dhicin in munaasibadii ay ahayd in la iskugu
yimaado maadaama oo ay ahayd xuska saxaafadda Somaliland,oo dad
farobadan isku timaado oo gobolada laga yimaado inay intan kooban uun
iskugu timaado, waa ka xumahay waana gef anagu samaynay.
Marka ay dadku dhintaan uun baa la ogaadaa waxay yihiin, way ku jiraan
boqolaal la mid ah Maxamuud, sidaa darteed aynu qirno qof waliba waxa
uu yahay si ay kuwa kale ugu dhiiranto” ayuu yidhi Guddomiyaha SOLJA
Xasan Maxamed Yuusuf.
Cali Guuleed oo ah maamulaha hotel Guuleed ayaa isna ka waramay
taariikhdiisii iyo waxqabadkiisii, waxaanu sheegay in haddii dhawr
boqol oo qof hoteelka yimaadaan uu isagu bixin jiray mararka
qaarkoodna ay iyagu ku diidi jireen “ Maxamuud marka uu hoteelka
yimaado waxa uu odhan jiray waxa jooga oo dhan anigu igu soo qora,
isaga ayaa nooga fiicaa boqol qof oo macmiil noo ah, isagu maalin
walba wuxuu bixin jiray 150 dollar oo uu dadka hotelka yimid uun ka
bixinayo, mararka qaarkood ayuu aabahay Guuleed diiday jiray oo uu
odhan jiray hayso adigu waxba nagama cunin, marka waxa uu odhan jiray
waxay doonto ha noqotee aniga igu soo qoro,” ayuu yidhi Cali
Waxa iyaguna madasha ka hadlay Axmed Xuseen Ciise, Cali Qoryooley,
Xasan Guure iyo dad kale oo badan, dhamaantood waxay u duceeyeen
Maxamuud Cabdi Shide aabihii Saxaafada Somaliland.

Comments