Madaxweyne Axmed Siillaanyo Oo Isku-Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Xukuumadda
Wasiirkii Ugu Shishlaa Golaha Wasiirada Oo Isku Shaandhayntan Xilkii Ku Waayey
Hargeysa, Somaliland ,
March 14, 2012 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siillaanyo) ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo qaar ka
mid ah madaxda hay’adaha Dawladda, waxaanu xilalkoodii ka qaaday xubno wasiiro
ah, halka qaarna uu isku bedel ku sameeyay
.
War-saxaafadeed subaxnimadii hore ee saaka
magaalada Hargeysa ku waaberiisatay ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xilkii ka
qaaday wasiirada Maaliyadda, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Hawlaha Guud,
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa
xilalkii laga wasiiro ku-xigeenadii Maaliyadda, iyo Arrimaha dibadda. Sidoo
kale waxa iyagana xilalkii laga qaaday Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku-xigeenkii
hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Madaxweynuhu masuuliyiinta uu xilalka qaaday ayuu
qaarkood u magacaabay xubno cusub, sida Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu u
magacaabay wasiirka Maaliyadda, Boobe Yuusuf Ducaale oo uu u magacaabay
wasiirka warfaafinta iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo uu u magacaabay
wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Dadweynaha reer Somaliland
ee ku nool gobolada dalka ayaa si kala duwan u arkay isku-shaandhaynta,
waxaanay tiraabaha ugu horeeya ee ay dadka ku nool caasimaddu ka bixiyeen ka
mid ahaa in Madaxweyne Siillaanyo iska gooyey mid ka mid ah baalashii ay
xukuumaddii ku duulaysay, kadib markii uu xilka ka qaaday wasiirkii ugu
miisaanka cuslaa oo ah waskiirkii Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo dadka
reer Somaliland ku tilmaamaan goobaha waxqabadka xukuumadda Axmed Siilaanyo ku
faanto ay ka hirgaleen.
War-saxaafadeed isku-shaandhayntan ayaa waxa uu
dhignaa sidan:
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka
qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir
ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad
ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u
leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta
jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka
qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood,
isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay
Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
NO
|
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub
|
Magacaabidda
|
Wasaaradda loo magacaabay
|
1
|
Cabdicasiis Maxamed
Samaale
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
|
2
|
Axmed Cabdi Xaabsade
(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiirka
W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
|
3
|
Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiirka W/Warfaafinta
|
4
|
(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo
Dhaqanka
|
5
|
Maxamuud Axmed Barre (Garaad)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
|
6
|
Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil
Cusub)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga
ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir
ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
|
7
|
Cismaan Cabdilaahi Saxardiid
(Cadaani)
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiiru-Dawle Cusub
W-Maaliyada ah
|
8
|
Mawliid Maxamuud Ibraahim
|
Waxa loo magacaabay
|
Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
|
9
|
Nuux Sheekh Muuse Ducaale
|
Waxa loo magacaabay
|
Gudoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha
|
10
|
Maxamed Cumar Cabdilaahi
|
Waxa loo magacaabay
|
Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda
Shaqaalaha
|
11
|
Mudane Axmed Xuseen Oomane
|
Waxa loo magacaabay
|
Wakiilka Somaliland u fadhiya
Dalka South Sudan
|
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana
mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto
xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu
xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
No
|
Magaca Mudanaha Xilka laga
qaaday
|
Xilka uu hayey
|
1
|
Wasiirkii W/ Maaliyadda
|
|
2
|
Prof.
Ismaacil Muumin Aar
|
Wasiirkii
W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
|
3
|
Ilhaan
Maxamed Jaamac
|
Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
|
4
|
Dr.
Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu
xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda
Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona
inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda
|
Wasiirkii
W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
|
5
|
Cabdi Siciid Faahiye
|
Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
|
6
|
Warsame
Siciid Cabdi
|
Wasiir
ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
|
7
|
Maxamed
Yoonis Cawaale
|
Wasiir
ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
|
8
|
Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil
|
Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service
commission)
|
9
|
Axmed Cali Xirsi (Sulub)
|
Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda
shaqalaha
|
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Comments
Post a Comment