Al shabaab Oo Toogatay Haweenay Lagu Eedeeyay Basaasnimo




Buullo Burde, Soomaaliya, April 9, 2013 (Saxafi)-Xarakada Al-shabaab ayaa badhtamaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku toogtay gabadh dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ahayd Basaasad u shaqeysa dowladda Soomaaliya.
Gabadha la toogtay oo la odhan jiray alla ha u naxariistee Ayaan Maxamuud Casar oo 22-jir ahayd, ayaa la sheegay in lagala dagay gaadhi ka yimid Muqdisho. “Ayaan waxay ahayd basaasad (jaajuus) u shaqeynaysay dowladda Soomaaliya, iyadoo cadowga u gacan-gelisay toddoba ruux oo mujaahidiin ah oo uu ku jiray macallinkeeda,” ayuu yidhi madaxa Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo hadlayay dilka gabadha dilka gabadhaasi.
Sidoo kale, sheekhan wuxuu sheegay inay jiraan kuwo kale oo gacanta kula jira falalkan oo kale ayna ku daba-joogaan; iyadoo barxadda uu dilku ka dhacay ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo ka tirsan dadka deggen degmada Buulo-burde.


Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in haweeneyda ay toogteen dhowr dhallinyaro ah oo baastooladda watay ,iyadoo dilkan uu noqonayo kii ugu horreysay oo ay Al-shabaab sannadkan ku fuliyaan gabadh ay ku eedeeyeen inay jaajuus u ahayd dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ka talisa degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dowladda iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM ay ka taliyaan deegaanno ay ka mid tahay magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
Ma aha markii ugu horresyay oo ay Al-shabaab toogasho u dilaan dad ay ku eedeynayaan inay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Mareykanka, balse dhowr jeer oo hore ayay toogteen rag iyo dumar ay ku eedeynayaan dambiyadan oo kale.








Comments