Guddi Farsamo Oo Somaliland U Matalaysa Wada-hadalada Soomaaliya Iyo An-babaxoodda Turkiga Ee Maanta





Hargeysa, Somaliland, April 08, 2013, (Saxafi) -  Guddida Farsamada (Technical committee) ee Somaliland u matalaya wada-hadalada ay Soomaaliya la yeelanayso ayaa maanta u baxaya dalka Turkiga oo wadda hadalkaasi ka bilaabmayo maalinta sabtida ah ee bishan aynu ku jirnaa tahay 13, April 2013.

Guddigan farsamo oo ka kooban shan xubnood, ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Maxamuud Axmed Garraad, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Guddigan oo madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa waxaa ay wadda-hadal la gali doonaan sida qorshuhu yahay guddi ka socota Soomaaliya. Iyaddoo gabagabadda ama natiijadda labada dhinac iyo waxaa ay isla gaadhaan ay markaa ka dib saxeexi doonaan Labada Madaxweyne ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo qudhooddu isugu imman doona kulan madaxeed.

Qodobada laga wadda-hadli doono ayaa wararku sheegayaan inay yihiin go’aamadii hore loogu gaadhay shirarkii labada dhinac ku dhexmaray Ingiriiska iyo Imaaraadka, kuwaas oo uu ugu muhiimsanaa  xidhiidhka mustaqbalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Comments