Xukuumada oo ka dhigtay Somalilandnimadii, Beerkii Hilibka lagu sugayey





Waxaa baryahan danbe aan ku tilmaami kara inay siyaasadii Somaliland gaar ahaan arimaha dibadu markaliyaata ay isu bedeshay maasibo Qaran,masiibadaas oo kalifi karta burbur iyo dhawac kale oo ku habsada agoontan aan wali diifti hore ka marmaran.
Waxaan in yar aan isdul taagi lahaa oo aan inooga baahnayn xasuusin farobadan, dhibaatadii loo soo maray halgankii qaadhaadha iyo siday ku timi Somalilandnimadu.
Wadankani waxa uu iska soo daba dhaxlay, dhib, gaajo, khasaare dhaqaale,iyo mid dhimasho,intaba ayey ku timi qaranimadan aynu maanta dul taxtaxaashaynaa.
Waxaa kale oo intaas ku dheer dhibta aan wali laga soo bogsan ,waxaa wali wadanka jooga dadkii sida guud iyo sida gaar ahba ay u saamaysay dib ula soo noqoshadii qaranimadu oo ay u dheertahay in ay gaajo iyo daryeel la,aan ay ku hayso wadanka gudiihiisa, taaso curadadoodii dhibta ka saari lahaa ay ka hooseeyaan, madaxbanaanida awgeed, kuna dhinteen xornimadii wadanka, laakiin dadkaasi waxay mar labaad ku qanacsan yihiin inay ku gaajoodan wadankoodiii hooyo oo xora .
Hadaba markay caynkaasi tahay siday isu daboolaysa siyaasadan marinkeedii seegtay iyo shicibkan wax kastoo adag oo yimaada diyaarka u ah inay ugu samraan ka midha dhalinta inay helan qaran ka mida qaramada midoobay, kuna badalan wax kasto ka horyimada awood kasta oo ay wax iskaga caabiyi karaan. 
Dadkaas aan kor kusoo xusay masiiibadoodu miyaanay ahayn waxay dhibtaas iyo samirkaas wali taagan u soo mareen, in aayar lagu jeesjeeso ,ama sidii maahmaahdii somaliyeed oo kale wax u eeg subax walba waagu ugu baryo ,(caruurna waa ku dheeldheel mulacna waa ku gudh gooyo).
Hashu maankaygii gade ma maansaar bay liqday
Waxaa maahmaahdaas ka dhigan siyaasada arimaha dibada ee Somaliland oo markasto wax inala soo darsan xukumadeenu waxay bixinaysaa sawir aduunyada u cadaynaya in Somalilandnimadu tahay (beerkii hilibka lagu sugaayey)
Waayo ? mudooyinkii ugu danbeeyay jahawareerkii siyaasadeed ee wadanka ka dhacay iyo masuuliyad daradii inala soo daristay may ahayn wax aduunwaynu inagu yiqiinay amaba Somalida inteeda kale ee cadawga inagu ahi ay inaga malaysanaayeen ,laakiin aduunyada iyo cid kasta waxay ku noqotay inaynu noqonay , (Canbe si fiican u bislaaday oo jooga waxkhtigii la cuni lahaa), waxaan ku soo gababaynayaa qormadan su,aal wadareed ku socota shacabka reer Somaliland oo ah :
1.      Ma waxa la gaadhay wakhti aynu odhan karno waa, saacadii wadankani aanu dhaafi kari jirin oo waxay Somaliland maraysa bisaylkii u danbeeyay?

2.      Mise xukuumadeena ayeynu ku tilmaamana in ay noqotay mid ku guuldaraysatay siyaasadii dibada, oo saceedii dibi dhalay?
Side ba lagaga bixi karaa waayahan qalafsan?
Waxaa lagaga bixi karaa way fududahay, waayo wakhti kastoo aduunyada soo mara ALLE waxa uu aduunyada soo raaciya ,cidi sabab u noqon lahayd samata bixinteeda ,laakiin intan danbe ,wakhti waliba waayihiisa lehe ,waxaad mooda ,wax badan oo dhaqanka dadkan aan ku jiri jirin oo ceeb ka ahaan jiray inay si fudud isaga xalaaloobeen.
  si kastoo ay tahayba hadana,  ALLE waxaa uu ina yidhi ha ka quusanina nimcadayda cadaabkayguna waa uu daran yahay ,haday tahay taasi lama dhaafankii waxa inala gudboon xal u helida waayahan inagu gadaaman ee ay ugu wayn tahay ,waxii wiil iyo walaal ba lagu seegay ,inay noqoto wax loo eekaysiiyo hal baacad lagu lisay.
Hadaan dib u jaleeco su’aashii miiska saarnayd,kuna daro rayiga aan arintaa ka qabo iyadoon aan ku nasbayn doono caqli fayoow oo ujeedada ka danbaysa tahay dad iyo dal jacayl kuna fadhiisin doono inay wax inoo wada hagaagan.
        I.            Waxaan ku riixayaa xukuumada Somaliland inay ku dhiirato inay shirwaynihii qaran ee ay hore ugu balanqaaday qabsoomo,iyadoo kaashanaysa ,ururada bulshada golayaasha qaranka ,aqoonyahanka, iyo sadexda xusbi qaran ee wadanka ka jira, iyadoo cadaaladana iidan uga dhigaysa ,arimahan iyo wixii kale ee dhigooda ahba.

      II.            Haday arintaasi noqoto mid xukuumadu ka biyo diido sidii ka muuqatay dhaqdhaqaaqi ay ina tustay maalmihii u danbeeyay ,shacabku xil wayn ha iska saaro inay qabsadan shirwayne qaran oo magaciiso yahay ,(GURMAD QARAN) , waayo markasto talo timaado ilaa halgankii SNM na dhaho waxaa jirtay talo shacab oo wax lagu xaliyo markay ,yimadan wax dhibaato gaadhsiin kara jiritanka qaranimada.
    III.            Xukumadu mar labaad iyo mar sadexaadba gudaheeda ha saxdo ,
    IV.            Labadii gole qaran ee dastuuriga ahaa ee lasoo doortayna inay fadhiga ka kacaan dhaliisha xukumadana daweeyan waayo iyaga ayaa loo igmaday toosinta iyo la shaqaynta arimaha qaran ee hadba la soo darsa xukumada, gaar ahan arintan danaha ka dhaxayn kara Somalia iyo Somaliland ee xukumadeeni ku beertay kalsooni darada xaga caalamka kaga socota ,ee ay astanta u noqotay inay xukuumadii ku dhacdo  kala hadal aan xad lahayn iyo ka fiiirsi la,aanta,iyo qorsha xumada ka muuqata safaradeeda dibada, oo  maruun ha dhigaan dantooda gaarka ah, iyada oo ay wajibtahay inay ku badalaan inay dhayaan boogahan intii danbe xukuumadan lagu hungoobay damqaysay ee samirka lagu bogsiinayey.
Waxaan hadalkayga kaga baxayaa kuna sifaynayaa xusbigan talada haya anigoo daliilna ka dhiganayaa xusbigii ka horeeyay. (Salaamu laah calaa xujaaj)

Qalinkii , Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)

Comments