Khilaafka Sahanka Shidaalka Oo Badalay Murankii Warshadda Shamiitadda Iyo Madax Dhaqmeed Digniin Hor Leh Soo Tabiyay




“Waxaanu taaganahay Dhagaxa Meel laga qaado wixii aanu ku bedelan lahayn ayaanu ka rabnaa"


Caynaba, Somaliland, April 06, 2013, (Saxafi) - Muranka xoogan, ayaa ka taagan Mashruuc Sahamin shidaal ah oo laga bilaabayo Deegaanada Gobolka Saraar. kaasoo Bulshada deegaanku ka soo horjeesatay.
Mashruucan oo ay bilaabayso Shirkad Magaceeda la yidhaahdo GENEL ENERGY, ayaa lagu wadaa in qoditaankiisu bilaamo Bilaha soo socda, hase ahaatee qaylo dhaan xoogan oo lagu diidanyahay habka loo maamulayo Munaafacaadka Bulshadu ka dheefayso inta uu socdo mashruucaasi, ayaa ka soo yeedhaysa Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo qaybaha Bulshada ee Gobolka Seraar, kuwaasoo ka cabanaya inaan haba yaraatee wax saami ah laga siin Shaqaalaha loo qaatay, isla markaana aan Bulshada Xoolo dhaqatada ah ee Dhulkooda la qodayo aan wax taageero ah loo fidin.
Qaylo-dhaanta ka soo yeedhaysa Odayaasha Deegaanka, ayaa muujinaysa in xaalad nabad-gelyo daro halkaasi ka soo fool leedahay, hadii aanay dawlada Somaliland xal u raadin, taasoo ay xubno ka mid ah Madaxda dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Saraar Digniin cad ka soo saareen, ka dib markii ay shir-jaraa'id ku qabteen Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar.
Caaqil Maxamed Daroor Ducaale, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qorista Shaqaalaha Mashruucaasi ka hawl-gelaya iyo cabashada deegaanka ka soo yeedhaysa, waxaanu yidhi "Shirkadda Shidaalka ka baadhaysa Saddexda Gobol ee Togdheer, Saraar iyo Sanaag oo aanu saddexdaba wax ka degno, shirkadaasi waxay halkaa ka wadaa waa Khal-khal nabad-gelyo , waxay yidhaahdeen maamulka Shirkaddu dadweynaha la hadli mayno annaguna waxaanu nahaya madaxdii dhaqanka ee Gobolka"ayuu yidhi. waxaanu intaasi raaciyay "markaa hadii aanu nahay Waxgaradkii Gobolka sida qawaaniinta Caalamka ee qodista Macdanta iyo Shidaalku dhigayaan, marka sidan oo kale meel wax looga qodayo dadka dhulkaasi degen wixii ay xaqa u lahaayeen, haday mashaariic biyood tahay, haday kuwo waxbarasho tahay iyo haday kuwo kaleba tahay waanu ka doonaynaa ilaa konton tuulo ayuu Gobolku ka koobanyahaye"ayuu yidhi.
 isagoo hadalkiisa sii wata caaqilku waxa kale oo uu cadeeyay "Qandaraadyadiibaa yimi, Qandaraasyadii Shirkaddu bixisay Beel kaliya ayaa la siiyay, Caynaba waanu kula hadalnay Ninka shirkada Maamulaya oo waanu u cabanay, dee laydinba baahna ayuu nagu yidhi, taasina waxaanu ka leenahay Madaxweyne iyo Golayaasha kale ee Qaranka waxaanu doonaynaa waxaanu xaqa u lahayn ee Dastuurku noo jideeyay, hadii la diidana taasi waxay keenaysaa inay isku dhacaan Shirkadda iyo Bulshada deegaanku, markaa madaxweyne arintan inaad soo faro-geliso ayaanu doonaynaa"ayuu yidhi. "waxaanu doonaynaa in Dhulkaa Maanta Shirkadda shidaalka qodaysaa Xogogaal loo noqdo oo ay xukuumaddu xogogaal u noqoto hadii dadweynaha degeni Dulmi tirsado in hoos loo eego ayaanu doonaynaa in la fududeysto hadalka naga soo baxayna waanu doonaynaa, waayo Bulshada deegaanku waa dad Hayin ah oo aan Quudhsiga aqoon"sidaasi waxa yidhi Caaqil Maxamed Xasan Biide oo ka mid ah Nabad-doonada Gobolka seraar.
Caaqil Jaamac Faarax oo isaguna arintan ka hadlay ayaa yidhi "waxaa jiray todobaatan sanadood, intaaba waxaan degenaa halkaa shirkadda maalintii dhaweyd loo Calaamadiyay oo aan ku dhashay, markaa waxaanu doonaynaa waxaanu xaqa u lahayn, hadii la waayo waxaanu xaqa u lahayn ee Bulshada aanu dhaqanka u nahay waayaan waxay leeyihiin, annagu nabad-gelyada masuul kama nihin hadaanu nahay Cuqaashii gobolka, kamana noqon doono"ayuu yidhi.
waxaanu intaasi ku daray "hadii ay ogolaadaan waxaanu xaqa u leenahay, waxaanu doonaynaa inaanu heshiis la galno boqolkiiba inta aanu ku leenahay Shaqaalaha meesha ka shaqaynaya"ayuu yidhi.
Xasan Suldaan Cabdi Suldaan  Cali ayaa isaguna shirkan Jaraa'id ka hadlay, waxaanu yidhi " Madaxweyne waxaanu kugu dooranay waxaad tidhi Cadaalad iyo horumar ayaan wax idiinku qabanayaa, horumarkii waanu aragnaa oo ma xuma, laakiinse Cadaaladii waanu dhaliilaynaa oo hadii ay Cadaaladi jirto dee halkaaba kamaanu hadalneen maanta, markaa waxaanu ku leenahay adigaa wadanka ka madaxweyne ah ee hadii bulshada gobolku khaldanto iyo haday Shirkadu khaldantahay adigaa madaxweyne ah ee kala saar"ayuu yidhi.
waxaanu Xasan Suldaan Cabdilaahi intaasi ku daray "Qandaraasyada annagaa leh, Shaqaalaha anagaa leh, waxa kale oo shirkadda looga baahanyahay inay Kontonka Tuule ee Gobolka Saraar, ay keento waxay kaga iibsanayso Dhulkooda ay Shidaalka ka baadhanayso ee ay Cagafta iyo Gawaadhida marinayso" - " mudane madaxweyne hadii aanu is qabano annaga iyo shirkadaasi adigaa na kala qaban kara, waxaanu doonaynaa inaad noo timaado oo aad na kala  qabato, hadii la waayo waxaanu leenahay waxaanu kuu sheegaynaa Madaxweyne inaanaan waxba ogolaan doonin, wax ka soconayaana ma jiraan arintaasi ee Ogow"ayuu yidhi.
Ugu dambeyn waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabkii hore ee Gobolka Saraar Saleban Xaaji Ducaale, kaasoo sheegay in Shaqaalaha shirkadda shidaalka baadhaysa la siiyay Beel kaliya sida uu hadalka u dhigay, waxaanu yidhi "Beel kaliya iyo in isku dhinac ah ayaa qaatay Shaqaalaha oo maamulaysa wixii umaddu xaqa u lahayd taa ma ogolin ee umadda si cadaalad ah wax haloogu qabto oo haloo siiyo. hadii wadanka shirkadi timi oo wax ka qabsanayso wixii munaafacaad ah ee laga helayo dadka deegaanka wax laga fulinayo ayaa xaq u leh"ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Mahad Maxamed Cawaale oo sheegay inuu Afhayeenka Bulshada gobolka yahay ayaa sheegay in Maamulka Shirkadda Shidaalka qodaysaa hore u balanqaaday  inuu bulshada deegaanka wax u qabanayo, hadana uu markii dambe ka war-wareegay wixii uu balan qaaday "Maareeyaha Shirkadda shidaalka qodaysaa hore wuxuu u balan qaaday inuu lacag ilaa saddex Milyan ah oo mashaariic horumarineed lagu qabanayo bixinayo, waxaanu lacagtaasi ka balan qaaday shir aanu ku wada galnay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Ciyaaraha iyo Xildhibaano gobolka laga soo doortay"ayuu yidhi.
waxaanu intaasi raaciyay "Lacagtaasoo qadarkeedu dhamaa ilaa saddex Milyan oo Dollar ($ 3000,000 ), hadana aanu xogta ku helnay inuu sheegayo Lix Milyan, wuxuu ka bixiyay ma jirto, shaqaalihii la qaatayna waa laga qadiyay dadka Gobolka, waxaanan xaq u lahayn 75%, markaa annagu waxaanu taaganahay Dhagaxa Meel laga qaado wixii aanu ku bedelan lahayn ayaanu ka rabnaa"ayuu yidhi.
Ma jiro war ka soo baxay Shirkadda GENEL ENERGY oo la xidhiidha cabashadan ka soo yeedhaysa Bulshada Gobolka Saraar, noomanay suurto gelin inaanu helno Maamulka shirkadaasi si aanu wax uga weydiino eedeymaha loo soo jeedinayo, hase ahaatee xukuumadda Somaliland ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisii shirkadda GENEL ENERGY ruqsad baadhis shidaal ah siisay, taasoo qayb ka ah Shirkado dhawr ah oo sanadkii hore Maal-gelin shidaal inay dalka ka fulinayaan la sheegay.

Comments