Raysal Wasaarihii Hore Ee UK Margaret Thatcher Oo Geeriyootay









London, Somaliland, April 09, 2013, (Saxafi) - Waxaa magaalada London lagaga dhawaaqay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Margaret Thatcher oo da’deedu ahayd 87 jir, kadib markii xididada maskaxda uu dhiigga ku shuba ay is taageen, sida uu sheegay Afhayeenkeedu.

Margaret Thatcher waxay ahayd Raiisul Wasaare intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990.

Margaret Thatcher oo caalamka ka ahayd xubin muhiim ah, muddo toban sano ka badan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuun la il darayd.

Afhayeenkeeda Lord Bell waxa uu yidhi “Waa murugo weyn in Mark iyo Carol Thatcher ay ku dhawaaqaan in hooyadood Baroness Thatcher ay geeriyootay markii uu ku dhacay cudurka stroke saaka (Shalay). Warbixin dheeraad ah ayaa goor dambe la soo saari doonaa.”
Baroness Thatcher waxa ay ahayd Ra’iisul Wasaare ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ee dalka sanadihii u dhexeeyay 1979 ilaa 1990.
Waxa ay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagadaasi Ra’iisul Wasaaraha UK.
Margaret Thatcher waxa ay is beddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.
Waxa ay sameysay is beddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalkaas, waxaana loogu yeedhi jiray haweenaydii Birta ahayd.

Comments