Siilaanyo Waxa Lagu Eegi Doono Wax U Qabashada Kuwa Jilicdasan Sida State House-Ka Oo 500 Oo Talaabo U Jira Gurigiisa

Staff Writers
Xalay caweysinkii ayayd ahayd markii lagu dhawaaqay natiijadda doorashada madaxtinimada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 26-kii June, 2010.
Haddaba, sida la ogyahay Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa noqday madaxweynihii afraad ee Somaliland, isla markaana ah madaxweynihii labaad ee codka dadweynaha ku yimaada.
Inkasta oo madaxweynaha cusub ee Somaliland lagu doortay aqlabiyad codadka ay bixiyeen muwaadiniinta reer Somaliland, haddana waxa la odhan karaa inta badan dadweynahani waxa ay ku doorteen Siilaanyo inuu waxbarashada bilaash ka dhigi doono, isla markaana mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda uu sare u qaadi doono 300%.
Haddaba marka intaasi laga yimaado, waxa madaxweynaha cusub hortaala inuu wax ka qabto dhawr arrimood oo muhiim ah kuwaasi oo iskugu jira dhinacyada dhaqanka iyo dhaqaalaha.
Inta badan bulshada Somaliland waxay ku soo noqdeen markii ay qaxootiyadda ka soo noqdeen guryahoodii, hase yeeshee waxa jira kumanaan iyo kumanaan kun oo ka mid ah kuwa doortay oo aan weli dib ugu noqon meelihii ay deganaayeen, sida dadka degan xaafadda State House-ka, oo aan u jirta guriga uu degan yahay Axmed Siilaanyo in ka yar 500 oo talaabo. Iyada oo la rabo in dhammaan dadkaasi loo habeeyo sidii ay bulshada ula qabsan lahaayeen, iyaga iyo kuwa kale ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Hargeysa, Burco, Boorame, Gabiley, Ceerigaabo, Berbera, iyada oo dadka dalka gudihiisa ku barakacsan lagu qiyaaso in ka badan 100,000 oo qoys.
Sidoo kale, waxa hortaala inuu wax ka qabto jabhadda dhawaan lagaga dhawaaqay gobolka Sool, iyo weliba inuu lacagta ka bedelo magaalada Burco oo halkii uu ka soo jeeday, iyada oo ay intaasi dheertahay inuu ka qabto arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshada ragaadiyay, waxaana la saadaalinayaa in Madaxweyne Siilaanyo ku soo celin doono waxbarashada dalka mid bilaash ah oo aan dadweynaha wax lacag ah laga qaadin, tusaale ahaan 1991-kii ilaa 1995-kii waxba lagama qaadi jirin.
Sidoo kale, ciidamada qalabka sida ayaa iyagana derejooyin in loo sameeyo mushaharkoodana la kordhiyo iyaga iyo shaqaalaha dawladdaba ugu yaraan 300% sidii balanku ahaa.
Waxa kale oo laga sugayaa inuu dhalinyarada u abuuro shaqooyin, isla markaana fur-furo dhaqaalaha dalka oo aad imika moodo inuu gacanta u galay laba shirkadood oo midba meel ka mid ah dhuuniga dalka kireystay.
Waxa kale oo laga sugayaa in maamulku noqdo mid lala xisaabtami karo

Comments