Qaabka Qofku U Qoslaa Waxay Caddayn U Tahay Shakhsiyada Qofka
Dhaqanka Qofka iyo qaabka ay
Shakhsiyadiisu tahay waxa laga dheehan karaa oo lagala soo dhex bixi karaa,
cadooyin iyo ficilo badan oo uu qofku sameeyo, tusaale ahaan qaabka uu u hadlo,
u qoslo ama dareenka uu ka bixiyo dhacdo soo waajahday.
Haddaba khabiir u dhashay dalka
Faransiiska oo ku xeel dheer cilmi nafsiga, “Psychology” oo lagu magacaabo
Joseph Messeger ayaa soo saaray, baadhitaan uu muddo dheer waday, kaas oo uu ku
kala dhig dhigay hababka ay dadku u qoslaan iyo sida ay muujinayso
dabacadahooda ama dhaqankooda oo laga akhrisan karo shakhsiyada qofka marka uu
qoslayo qaabka uu u qoslo.
Dhamaanteen waxa aynu og nahay in qof
walba si u qoslo oo aanu qofna qof la qosol ahayn, tusaale ahaan waxa jira dad
marka ay qoslayaan gacantooda saara afka ama qariya in la arko qosolkooda,
dadkaas waxa uu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, kuwo aan kalsooni badan
qabin, oo canaan ka yaab ah, khajilaadina ku jirto, waxaanu tusaale u soo
qaatay hablaha gashaantimaha ah iyo dhalinyarada ardayda ah, oo intooda badani
adeegsada ama u qosla habkan, kuwaas oo ay ugu wacan tahay ama dhaqan ahaan in
lagu tarbiyadeeyay ama cabsi macalimiinta iyo waalidku sareen ka dhalatay.
Waxa kale oo jira dad qosla iyaga oo
afka isku haya oo aan marna ilkahooda la arag, kuwaas oo hasa yeeshee la arko
jidhkooda oo ruxmaya ama dhaq dhaqaaqaya qosolka awgii, dadka noocaas u qosla
ayuu khabiirkani ku sheegay in ay yihiin, dad aad u liita oo aan lahayn go’aan
qaadasho dhab ah haddii arrimuhu ku adkaadaan.
Dadka inta badan marka ay qoslayaan kor
u dhawaaqa ee afka kala waaxa, dhag dhagta qosolkoodana meel durugsan laga
maqli karo, ayuu khabiirku ku tilmaamay in ay yihiin kuwo cidhiidhi iyo
cadaadis badan ku soo koray oo sidii qof xornimo helay oo kale uu ka dhigan
yahay.
Dhinaca kale khabiirkan reer Faransiis
ayaa ku tilmaamay dadka marka ay qoslayaan hoos u foorarsada ee waliba
garbahooda ku qooraansada, kuwo caadifiin ah oo wixii naftooda ka soo go’a ku
dhaqma, waayo waxa dadkan jiidanaya qaybta dareenka ee wadnahooda.
Dadka marka ay qoslayaan eega
dhinacooda danbe ama dib u qooraansada xagooda danbe ayuu khabiirku sheegay in
ay yihiin, kuwo leh hogaamin, dadkana kasban kara, isla markaana ah kuwo gor
gortanka iyo isu hanbaynta ogol oo wax lala qaadan karo.
Sidoo kale qofka marka uu qoslayo laga
yaabo in uu mararka qaarkood, gacmihiisa saaro xiribaha korkooda ama laga yaabo
in uu madaxa salaaxo ayaa ah sida uu khabiirkani aaminsan yahay, kuwo aan
dareemayn raaxo, culays iyo cadaadis badanina uu saaran yahay.
Qofka marka uu qoslayo dhoola cadeeya
qofka uu la hadlayo ama hor joogana toos ugu jiheeya indhihiisa, waxa uu yahay,
qof kalsooni badan, awoodna u leh in uu is difaaci karo, qofka noocan oo kale u
qoslaa, waa mid go’aan adag, kuna dhegan aragtidiida oo aan la loodin karin, ma
aqbalo in laga badin karo, gorgortankana ma yaqaano.
Haddaba khabiirkaasi waxa uu ku soo
gaba gabaynayaa baadhitaankiisan in qof walba u fiirsado sida uu u qoslo, ama
saaxiibkii iyo qofka rafiiqiisa ahi u qoslo, ka dibna ka dheehdo dabeecadihiisa
iyo guud ahaan sida uu dhaqankiisa shakhsi yahay.
Comments
Post a Comment